Madasha Goobjoog ee Oslo oo looga dooday sababaha keenay in la gaari waayo xasilooni siyaasadeed.

Tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, taasoo xukunka dalka soo heysay ku dhawaad 22 sano oo xukun Miliri ahaa, Soomaaliya waxay cagta saartay wadadii burburka maadaama ay gebi ahaan meesha ka baxeen hay’adihii dowliga ahaa.

Hubkii uu lahaa dalka waxa uu gacanta u galay jabhadihii ka horjeeday dowladdii dhexe ee uu hogaaminayay ALLE ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre iyo waliba dadka shacabka, xaalka guud ahaan ee Soomaaliya waxa uu noqday qof iyo qori taasoo ka dhigtay in amnigii iyo xasiloonidii siyaasadeed ee dalka uu lahaa uu burburo ilaa iyo haddana aysan muuqan rajo soo kabasho ah.

Burburkaas baaxada leh kadib dalka waxa uu soo maray heerar iyo marxalado kala duwan oo dowladdo KMG ahaa iyo ururo diimeedyo dalka ka hano qaaday ilaa ugu dambeyntii dowladda hadda jirta ee aan KMG ahayn dalka lagu dhisay taasoo beesha caalamka ay si rasmi ah u aqoonsadeen.

Iyadoo ay taas jirto ayaa haddana waxaa muuqata in wali la gaari la’yahay is-faham siyaasadeed iyo waliba mid amni oo ka hana qaada guud ahaan bariga iyo bartamaha Soomaaliya.

Haddaba qodobka dooda ee barnaamijka madasha goobjoog ee oslo waxaan kusoo qaadanayaa “MAXAA U SABAB AH IN LA GAARI WAAYO XASILOONI SIYAASADEED OO KA HANA QAADA GUUD AHAAN DALKA SOOMAALIYA”.

HALKAN HOOSE KA DAAWO DOODA OO AH MID AAD U XASAASI AH.

 

XIGASHO: GOOBJOOG

BY: Salaad Daacad.

Oslo-Norway.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*