Maamulka Cusub Jaaliyada Bergen ee dalka Norway oo la caleemo saaray+SAWIRO.

Kullan si heer sare ah loo soo agaasimay ayna isugu yimaadeen inta badan jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bergen ee dalka Norway ayaa 27/01/2018 uu ka dhacay Ny Krohnborg skole, kulankaasoo lagu caleemo saaray Maamulka labada sano ee soo socota xilka hayn lahaa kaasoo dhammaadkii sanadkii tagay cod buuxa iyo kalsooni lagu doortay C/qaadir Raagge Waayeel inuu noqdo Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida gobolka Hordaland.

Madasha kullanka uu ka dhacay oo ahayd mid aad u qurux badan, waxaa soo xaadiray xubno aad u fara badan, waxaana halkaasi hadalo kala duwan ka jeediyey Guddoomiyaha Jaaliyada, Qaar ka mid ah odayaasha, Culumaa’udiinka iyo Guddoomiyaha ururka Haweenka Soomaalida Bergen.

“Muhiimada koowaad waxaan siin doonaa sidii jaaliyada wacyigooda iyo garaadkooda loo kobcin lahaa isla markaana loo xoojin lahaa wax qabadka iyo horumarka guud ee Jaaliyada Soomaalida gobolka Hordaland” ayuu yiri Guddoomiyaha Cusub ee Jaaliyada C/qaadir Raagge Waayeel.

Sidoo kale Guddoomiyuhu wuxuu balan qaaday inuu maamulkiisa cusub ku dadaali doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya  Maamulka Jaaliyada iyo kan Degmada.

Xaaji Godane oo ka mid ah Odayaasha Deegaanka ayaa tilmaamay in dhisida Jaaliyada Soomaalida leedahay laga soo maray marxalado kala duwan, sidaasi awgeedna xubanaha la doortay looga baahan yahay daacadnimo, dadaal dheeraad ah iyo xiliga hadda lagu jiro oo ah xili xasaasi ah looga baahanyahay feejignaan dheeraad ah iyo waxqabad muuqda.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Culumaa’udiinka labada masaajid waxayna ku nuux nuuxsadeen inay lagama maarmaan tahay midnimada Jaaliyada, waxaa kaloo halkaas hadal qiimo badan ka jeedisay Guddoomiyaha ururka Haweenka Soomaalida Bergen (Den Somaliske Kavinneforning i Hordland) Maryan Aadan Cigale.

Waxaa xusid mudan in halkaasi lagu soo bandhigay Ruwaayad ay la dhaceen dadkii ka soo qeyb galay kullanka, ruwaayadaasoo xambaarsaneed fariin wacyigelin, majaajilo, qosol iyo qaraaxo lahayd, ruwaayadaasoo ay soo agaasimeen isla markaana ay jilaayayaal ka ahaayeen qaar ka mid ah dhalinyarada Magaalada oo ka koobnaa Wiilal iyo gabdhaba.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha la caleemo saaray iyo xubnaha gudiga jaaliyada ayaa si guud ugu mahadceliyeen dhammaan dadkii ka soo qeyb galay oo waqtigooda qaaliga ah u huray midnimada iyo kor u qaadida Jaaliyada si wadajir la isaga kaashado howlaha horyaala.

W/Diyaariyey: Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey)

Bergen-Norway.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*