Maamul ka mid ah Soomaaliya oo la sheegay in Viiso lagu galaayo.

Mid ka mid ah maamul goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in wixii maanta ka dambeeya deegaanada maamulkaasi lagu soo gali karo oo kaliya Viso cid kasta oo dooneysa inay deegaanada maamulkaasi gaarto.

Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo ah Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga ee maamulka Puntland ayaa shaaciyey in deegaanada maamulkaasi lagu gali doono Viiso, wixi hadda ka dambeeyana cid aan viso dal ku gal heysan aan loo ogolaan doonin inay soo gasho, qofkii lagu helo iyadoo viso la’aan deegaanada maamulkaasina laga qaadi doono talaabo waafaqsan sharciga.

Sidoo kale wasiirka waxa uu sheegay in ciidamada Amaanka ay fasax u yihiin inay qabtaan ruuxii si sharci daro ah ku soo gala deegaanada Puntland, isagoo intaa raciyey in qof kasta oo soo gala deegaanadaasina laga doonayo viiso sharci ah sifahaas mid aan ahayna aan lagu joogi Karin.

“Puntland waa dal waxaana lagu soo gali karaa oo kaliya viso, qofkii si tahriib iyo sharci la’aan ku soo gashana waxaa la soo taagayaa maxkamad xukunka uu muteysto ayaana lagu qaadi doonaa” ayuu si kulul u yiri Wasiir ku xigeenka dhinaca Amniga maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil.

Si kastaba ha ahaatee lama oga sida uu xaal noqon doono, iyadoo aynu ognahay in deegaanada maamulka Puntland ay tagaan dad ajaanib ah iyo waliba Soomaali, go’aankana wali kama aysan hadlin dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*