Home Ciyaaro Luis Suarez oo kaalmo gaarsiiyay dadkii ay musiibaddu kula dhacday magaalada Salto

Luis Suarez oo kaalmo gaarsiiyay dadkii ay musiibaddu kula dhacday magaalada Salto

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Luis Suarez ayaa kaalmo tabarucaad ah oo isugu jira raashin, bustayaal, dhar, xafaayado iyo waxyaabo kale gaarsiiyey dadkii dhibaatadu ka soo gaartay daadkii ku dhuftay halka la yiraahdo Salto ee dalkiisa Ururguay.

Tabarucaaddan uu bixiyey Suarez ayaa durba laga dejiyey caasimadda Montevideo, iyadoo halkaasi si dhaqso ah looga sii qaadi doono, loona gudbin doono waaxda isku duba-ridka gargaarka deg degga ah ee Salto, kuwaasoo maasuul ka ah qeybta gargaarkaas.

Kaliya Salto ma’ahan meelaha ay fatahaaduhu ka dhaceen ee sidoo kale waxa ay wabiyadu fahataado ka geysteen gobollada Artigas iyo Paysandu.

In ka badan 7,000 (Todoba kun oo ruux) ayayna wararkii ugu dambeeyay sheegayaan inay saameyn ku yeesheen daadadkaasi.

Xiddigaan ayaa ku dhashay magaalada salto oo ah magaalada ay immika ku dhufteen fataahadaha 24kii Jan 1987

Suarez ayaa sheegay inuu sii laba jibaaro doono kaalmadaan uu u fidiyay dadka ku nool magaalada Salto

 

W/Diyaariyey:- Maxamed Maxamuud Cilmi (Maxamed Juube)

Shabakada Somalibile Media

Xafiiska Magaalada Muqdisho
Email: somalibile@gmail.com
info@somalibile.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here