Yaab; Lionel Messi Waa In Aan Loo Ogolaan In Uu Ciyaaro Ilaa Inta Ay FIFA Soo Cadanayso In Uu  Bini Aadam Yahay.

Tababaraha xulka qaranka Iran ee Carlos Queiroz ayaa si layaableh uga hadlay xidiga xulka qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi wuxuuna sheegay in xidigan la ganaaxo ilaa inta ay FIFA soo cadaynayso in Messi uu bini aadam yahay. Messi ayaa xili ciyaareedkan markale la soo baxay qaab ciyaareed aad u fiican taas oo Carlos Queiroz uu erayo lama filaan ah kaga jawaabay.

Carlos Queiroz ayaa Lionel Messi iyo xulka qarankiisa Argentina kaga hor yimid koobkii aduunka ee Brazil lagu qabtay sanadkii 2014 kii waxayna u muuatay in ciyaaartu ay barbaro gool la’aan ah ku dhamaanaysay laakiin Lionel Messi ayaa waqtigii dhamaadka goolka guusha u dhaliyay Argentina.

Carlos Queiroz oo waraysi siiyay shabakada rasmiga ah ee FIFA ayaa sheegay in Messi uu yahay mid aan caadi ahayn oo aduunyo kale ka yimid wuxuuna yidhi: “Anigu markasta waxaan sheegaa in Messi uu yahay ciyaartoy aan caadi ahayn, isagu aduunyo kale ayuu ka yimid. Haddii uu bini aadam ahaan lahaa, waqtiyadaas mucjisooyinka ah garoonka kumuu soo qaateen kulankaas”.

” Anigu caadiyan ma jecli guuldarada, laakiin dareen xun kalamaan tagin guuldaradaas, waa marka uu wax mucjisadaas oo kale ahi dhaco, waxaad oganaanaysaa in ay kubbada cagtu ay nooshahay, waana sababta ay u tahay sportska aduunka ugu fiican in la daawado” ayuu Carlos Queiroz hadalkiisa sii raaciyay.

Carlos Queiroz oo si layaableh uga hadlaya Messi ayaa yidhi: “Xataa waa waqti khaas ah marka ay ka imanayso ciyaartoy ay waajib tahay in aan loo ogolaan in uu ciyaaro ilaa inta ay FIFA soo cadanayso in uu xaqiiqdii bini aadam yahay”.

wariye; maxamed juube

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*