Labada aqal baarlamaanka Soomaaliya oo dalbaday in xayiraadda laga qaado Kismaayo.

Xildhibaano ka tirsan labadda gole ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa si deg deg ah u dalbaday in Xayiraada laga qaado Shacabka kunool magaalada Kismaayo.

Xildhibaanada waxa ay ku baaqeen in dowladda Federaalka in si shuruud la’aan xayiraada looga qaado Jubbaland iyo in loo saaro guddi baaritaan ku sameeya waxyeelada bani’aadanimo ee ka dhalatay cunaqabateyn la saaray reer Jubbaland.

Waxa ay Cambaareeyeen Xayiraada oo sheegeen in ay tahay  ku tumashada dastuurka dalka iyo ku tagri falka awoodeed.

Maamulka Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa guud ahaan ku dhawaaqday in la joojiyay diyaaraddaha Aada iyo kuwa ka yimaada Garoonka Magaalada Kismaayo muddo Saddex maalin ah.

Maamulka Hey’adda ayaa ku wargeliyay Shirkadaha Diyaaradaha in la hakiyay duulimaadyadii tagi jiray Kismaayo laga bilaabo 23 bishan September illaa 26 bishan, waxaana mudadaas la sheegay in wax duulimaad ah ka degi karin Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku hortageysaa in laga qeyb galo Caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo lagu waddo in ay dhaco 26-Bishaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*