Kismaayo oo lagu doortay guddoonka Baarlamaanka Jubaland.

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose lagu doortay guddoomiyaha cusub Baarlamaanka maamulka Jubaland, kadib doorasho ka dhacday magaaladaasi.

Cabdi Maxamed C/raxmaan iyo Xuseen Shiinoow ayaa ku tartamay qabashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubaland waxaase mar kale ku guuleystay guddoomiyihii hore Cabdi Maxamed C/raxmaan.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa isku soo sharaxay hal qof oo ah Xildhibaan Aadan Khaliif, waxaana loogu codeeyay gacan taag 72 cod ayuu helay.

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa loo doortay Cabdi Baaleey Xuseen wuxuuna helay 73 cod, waa loo tanaasulay, oo cidna lama tartamin.

Si kastaba ha ahaatee Guddoomiye Cabdi Maxamed C/raxmaan waxa uu ahaa guddoomiyihii hore Baarlamankii koowaad ee maamulka Jubaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*