Home Maqaalo Kaalin noocee ayay ku leeyihiin ganacsatada Amni darada ka jirta Muqdisho..?.

Kaalin noocee ayay ku leeyihiin ganacsatada Amni darada ka jirta Muqdisho..?.

62
0

Magaalada Muqdisho waxaa sii kordhaya dilalka iyo qaraxyada ka dhacaya kaasi oo saameynta ugu xoogan ku yeesha dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Qaraxyada iyo dilalka ayaa ah kuwa inta badan ay geystaan xoogaga hubeysan ee Al-shabaab kuwaas oo awood muuqata ku leh gudaha caasimada magaalada Muqdisho.

Qaraxi ugu dambeeyay ee ka dhacay agagaarka taalada Daljirka ee Magaalada Muqdisho maaalinnimadii arbacada (Shalay) 22-05-2019 waxaa ku geeriyootay in ka badan 12 ruux, kuwaa oo isugu jiray Saraakiil, Ciidan, Xildhibaan iyo dad shacab ah oo aan iyagu waxba galabsan.

Falalkan qaraxyada iyo dilalka sida joogtada ah uga dhaca magaalada Muqdisho waxa ay imaanaysaa xili shacabku ciriiri aad u daran ku dareemayaan isu socodka wadooyinka Muqdisho taasi oo sabab u ah jid gooyooyin ay sameysteen ciidamo la sheegay in ay sugayaan amniga Caasimada, hase yeeshee amni daridu ay wali halkeedii iyo ka sii daran ay joogto.

Qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa dhawaan waxa ay shaaciyeen in ganacsatada Muqdisho heshiis is afgarad ah ay la yeesheen kooxda Alshabaab.

Heshiiskaas oo ka koobnaa qodobo dhowr ah ayaa waxaa ugu muhiimsanaa in ganacsatadu taageero dhaqaale ugu yaboohaan Alshabaab iyaga oo taas ku badalanaya in amni ku helaan.

Haddii dhan loo fiirsho heshiiskaas waxaa la dhihi karaa waa mid sii horseedaya dilalka iyo qaraxyada caasimada in ay sii kordhaan sababtoo ah dhaqaalaha Alshabaab ka qaataan ganacsatada kuma aadayaan Xaj iyo Cimro toona ee taa badalkeeda waxa ay ku iibsadaan hubka iyo qaraxyada ay Muqdisho ka geystaan.

Haddaba Waxaa taasi la oran karaa ganacsatada iyaga oo danahooda gaarka ah ka fikiraya ayay bulshada u horseedaan dhibaatada hor leh oo dhinaca amniga quseeya.

Isku soo wada duub waxaa haboon in dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan xukuumada inay il gaar ahaaneed ku haysaa dhaq dhaqaaqyada ganacsatada isla markaana talaabo sharci ah ka qaadaa qofkii ay ku cadaato in xiriir dhaw la sameysaa kooxdaan aan laheyn naxariista ee Alshabaab.

W/Diyaariyey: Wariye Maxamed Maxamuud Cilmi (Juube).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here