Isku shaandheen u qorsheesnaa Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka noqday.

0
28

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa waxa uu todobaadkan qorsheynayey in uu isku shaandheyn uu ku sameeyo Golahiisa Wasiiradda.

Isku shaadheynta oo ay ku bixi lahaayeen wasiiro caan ah ayaa waxaa lagu dhawaaqi lahaa maalintii Axadda ahayd.

Balse, waxa uu Khayre dib ugu dhigay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay is-hortaagii socdaalka Sheekh Shariif ee Kismaayo, halkaasi oo uu uga qeybgeli laha caleema saarka Axmed Madoobe.

Xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah ayaa ka gaabsaday in uu dusiyo goorta lagu dhawaaqayo.

Ugu danbeyntii Ra’iisul wasaaraha ayaa wuxuu horey isku shaandheyn xukuumadiisa ugu sameeyay dhowr jeer, taasi oo ay ku baxeen wasiiro miisaan mug weyn ku lahaa siyaasadda Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY