Hooyo Soomaaliyeed oo carruurtii laga qaatay lana doonayo in la musaafuriyo.

0
30

 

Rooda Cawil Daahir waa Hooyo Lix Caruur ah oo ay dhashay isla markaana kan ugu weyn carruurteeda uu jiro 17 sanno, halka kan yarna 4 jir yahay, carruurtaasoo looga qaatay Denmark.

Sida wararku ay sheegayaan carruurteeda waxa la sheegay in dad kala duwan oo u dhashay dalkaasi loo qaybiyey si ay uga qeyb qaataan korinta carruurtaas.

Qof ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Denmark Hooyadda kaligeed oo ay wadaan Askar Denmark ah in laga dajin doono Garoonka diyaaraddaha magaalada Muqdisho.

Haddaba haddii lagala hortago Askarta wadda diidmo ah in aan laga qabanin Rooda loona sheego in ay caruurteeda dib ugu celiyaan ama ay isa soo wada raaciyaan waxay u badantahay in Hooyadaasi ay hesho caruurteeda ayay ku baaqeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Denmark.

Ugu danbeyntii Hooyaddan Soomaaliyeed waxay caawin uga baahantahay umaddeeda gaar ahaan laanta Socdaalka Soomaaliya oo ay arrinteeda quseyso.

 

LEAVE A REPLY