Hogaamiyayaasha maamulka goboleedyadda qaarkood oo Garoowe ka tagay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islam Madoobe ayaa ka dhoofay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ka dib markii uu fashil shirkii maalmihii lasoo dhaafay ka socday Garowe ee looga hadlaayay Xaaladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa diyaarad u taagan tahay Garoonka Garowe, waxaana uu kusoo jeedda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Labadda maamul ayaa ku tilmaamay Shirkii Garowe Mid Fashilmay oo lagu guuldareystay in laga gaaro Xal Waara dhibaatooyinka taagan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale lagu waddaa in ay yimaadaan Magaalada Muqdisho saacaddaha soo socda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*