Home Sheekooyin Haweenay guurka ka dooratay dhaqashada dibbigan

Haweenay guurka ka dooratay dhaqashada dibbigan

37
0

Gabadha lagu magacaabo Selverani Kanagarasu oo u dhalatay dalka Hindiya, ahna 48 jir waligeed ma aysan guursanin, waxayna guurka ka xulatay daryeelka dibbi ka qeybqaata tartanka hardida ee ka dhaca gobolka ay ku nooshahay ee Tamil Nadu.

Gobolkan waxaa ka jira caaddo qarniyo jirsatay oo lagu tartamayo dibbiyada, kuwaas oo rag badan ay ku loolamaan in ay gacanta ku dhigaan abaalmarin qaali ah oo lagu xiray geesaha dibbiga.

Caado dhaqameedkan waxaa lagu magacaabaa Jallikattu, waxaana dhacday in mar lagu joojiyay amar maxkamadeed kadib markii dadka u dooda xuquuqda xayawaanka ay dacwo geeyeen, balse go’aankaas waxaa ka dhashay mudaaharaadyo waaweyn oo rabshado wata, taas oo dowladda ku qasabtay in ay fasaxdo.

Selverani waxa ay dhaqashada dibbiyada tartanka gala ka dhaxashay aabaheed iyo awoowgeed oo ay sheegtay in ay u xanaanayn jireen sida ilmo ay dhaleen oo kale.

Hadda waxa ay xanaanaysaa dibbi 18 jir ah , waxaa lagu magacaabaa Ramu, waxa uu ku guuleystay illaa 5 biladood, isaga oo ka qeybgalay 7 tartan guud ahaan.

“Ramu waa wiilkeyga oo kale, billado ayuu ku guuleystay, waxaase intaas ka muhiimsan in uu yahay mid sharaf badan usoo jiiday qoyskeena” ayay tiri haweenaydan oo diidan in ay nin guursato.

Tartanka dibbiyadaLahaanshaha sawirkaPANDIAN RANJITH
Image captionTartanka dibbiyada

Dad badan ayaa ku waxyeeloobay tartanka, iyada oo dibbiyada lagu tartamayo ay geeska dareen dad daawadayaal ah ama tartamayaal ah.

Qofka tartanka ka qeybgalaya waa in uu xajin karaa dibbiga illaa uu ka gooyo masaafo dhan 20 mitir, kadib ayuu heleyaa abaalmarin ku xiran geesaha dibbiga.

Isaga oo 10 sano jir ah ayay soo iibsatay, wixii markaas ka dambeeyayna waa ay xanaanaysay.

Goaa’nkeeda ah in aysan guursanin waa arrin dadka dhan ka dhaadhici weysay, balse markii dambe lagu aqbalay go’aankeeda.

Waxa maalinkii soo gala lacag dhan $3 doolar oo kaliya, waxayna lacagtaas inteeda badan ku quudisaa Ramu oo u baahan raashiin gaar ah maadaamaa uu ka qeybgalayo tartan. Waxyaabaha la siiyo waxaa ka mid ah timir,naarjiin, moos, sisin, loos iyo waliba bariis.

Dibbiga ayaa ka cunto fiican xitaa tan ay iyada cunto, balse waxbo uma aragto taas, waxaa uga daran sharafta qoyskeeda. “Mararka qaarkood hal waqti ayaan cunaa maalinkii si aan lacag meel ugu dhigo Ramu” ayay tiri

Cuntada ka sokow, Ramu waxa uu u baahanyahay jimicsi maalin kasta ah, waxaana la geeyaa haro uu ku dabaasho.

Guulaha uu tartanka ka gaaray awgeed, waxaa Ramu lagu rabaa lacag aad u badan, balse waa ay diiday haweenaydan oo dibbiga aad u jecel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here