HA DILIN EE DARYEEL HAWEENKA!!!. QORE BILE BAASTEY.

Markii ay bur-burtay hannaankii dowladdnimo ee Ummadda Soomaaliyeed dalka waxa uu galay xaalad fowdo iyo dagaalo sokeeye isla markaana sababay daganaasho la’aan, taasoo raad madow ku yeeshay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Haweenka (Dumarka) kuwaa oo la kulmay tacadiyo ay ka mid yihiin Kufsi, Dhac, Dil, Dayacaad, Xaqiraad, Quursi, Handadaad, Gadoodfalyo dhinacyo badan iyo arrimo kale oo lagula kaco Haweenka (Dumarka) Soomaaliyeed.

Intaas oo dhibaatooyin ah iyaga oo loo geysto Haweenka Soomaaliyeed ayaa haddana waxay dhabarka u riteen guud ahaan danihii iyo maareyntii baahida Qoyska.

Dumarku kaalinta muhiimka ah ee ay bulshada kaga jiraan ma aheyn mid dhawaan bilaabatey ee waa soo jireen, xilligii gobanimo doonka waxa ay soo qaateen kaalintooda iyaga oo u dhintey dhaqaalana ku bixiyey xornimadda aan maanta ku naalooneyno, Xaawo Cismaan (Xaawo-Taako) ayey aheyd mid nafteeda ku weyday halgankaas.

Wakhtigan burburka iyo xaaladaha adag oo aad moodo in laga soo kabanayo meesha kaliya ee loo baxsaday waxay noqotay Haweenka Soomaaliyeed kuwa gudaha iyo dibadda u baxay, waxayna qaadeen talaabooyin ay dadkooda Soomaaliyeed ay ku bad-baadinayeen, iyagoo xannaaneeyey Carruurtooda, Aabayaasha (Raggooda), wayna u dhinteen una rafaadeen, hase’yeeshee taas badalkeeda halkii aan si dhab ah u ogaan lahayn booska ay inoo joogaan, sharafta, magaca ay huwan yihiin haweenka (Dumarka) Soomaaliyeed iyo qiimaha ay inoo leeyihiin cagsigeeda (badalkeeda) waxaan u geysanay, walina qaar badan oo inaga mid ahi ku hayaan gadood falo xannuun badan.

Iyadoo aan qoraal maalin kaliya lagu soo koobi Karin dhacdooyinka xannuunka badan ee sida maalin laha ah loogu geysto Haweenka Soomaaliyeed saqiir, kabiir (YAR IYO WEEN), Hooyo iyo gabadhba dalka gudahiisa iyo waliba dibada ayaa waxaa soo qaadan doonaa dhacdooyinkii ugu xannuunka badnaa ee dhawaan loo geystay Haweenka Soomaaliyeed.

25/02/2019: Waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug meel aan ka fogeyn hoygii ay ku nooleed laga helay meydka Caa’isha Ilyaas oo ahayd gabar 12-sano jir ah, taasoo la afduubtay xili waalidkeed adeeg bannaanka ahi u dirsadeen si ay howsha guriga uga kaalmeeso waalidiinteeda.

Caa’isha ayaa u dhimatay kufsi wadareed si fool xun loogu geystay, kadibna xubin walba oo jirkeeda ka mid ah la jar-jaray ilaa ay ka naf baxdo, iyadoo aysan ahayn dhacdadii kufsi ee ugu horeysay ee loo geysto gabdho, waxaana dhacdooyin kufsi ay ka kala dhaceen magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe, Guriceel, Muqdisho, Shabeelooyinka, Jubooyinka, Hiiraan iyo meelo kaleeto oo Soomaaliya ka mid ah balse kufsiga Caa’isha Ilyaas (ALLE HA U NAXARIISTEE) waxaa u wehliyey dil fool xun, himiladdii iyo hankii ay adduunka ka lahaydna god ayaa la dhigay, walina cadaalad ma aysan helin iyada iyo qaar kaleeto oo fara badan.

04/03/2019: Todobaadkii aynu soo dhaafnay magaalada San Diego ee gobolka California wadanka Maraykanka haweeney Soomaali ah ayaa meydkeeda laga helay gurigeeda, waxaana marxuumadaasi lagu magacaabi jiray Muna Kuri, da’ahaan waxay jirtey 36-sano jir ayaa warkeeda la waayay ilaa sabtidii asbuucii hore, iyadoo markii danbe meydkeeda laga helay isla gurigii ay ku nooleyd xili ay ka muuqdeen dhaawacyo daran qeybaha sare ee jirkeeda.

Aamina Salaad oo ah walaasha Marxuumada la dilay ayaa sheegtay iyadoo ay ilmadu ka qubanayso inuu jiro tuhum sida muuqata soo bannaanbaxaya kaasoo ah in ninkeeda oo lagu magacaabo C/casiis uu ku dambeeyay dilkeeda, kaasoo ilaa iyo hadda la la’yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay.

Dhacdooyin la mid ah kuwaa tusaalaha kooban u soo qaatay waxay goor iyo ayaan uga dhacaan gudaha Soomaaliya, halka dalka dibadiisa mararka qaar ay ka dhacaan, waana dhacdooyin ay aad uga xumaadeen Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Haweenka (Dumarka) Soomaaliyeed, waxayna ku reebtay raad madow iyo inay ka niyad jabaan ragga Soomaaliyeed.

Haddaba ina raggow soo inaguma ah ceeb iyo arrin laga yaq-yaqsoodo in Haweenkeena (Dumarkeena) Soomaaliyeed ee sharafta badan isla markaana isugu jira qeybo kala duwan sida (HOOYO) oo ina dhashay dhammaanteen, Abaayo, Xaas (INOO DHAXDA) iyo waliba (AYEEYO) in aan tacadiga intaas la eg loo geysto waliba mudadaas dheer oo ka badan nusqarniga.

Tacadiyada Haweenka Soomaaliyeed aan u geysano heer waxaan maanta maraynaa in tusaale madow naloogu soo qaato in ragga jecel inay haweenka u gacan qaadaan dila ama kufsada ay aadaan Soomaaliya, taana bahdilaad, sharaf xumo iyo ceeb bay inagu tahay.

Ummadd kasta waxay ku faantaa oo ay ilaashadaan waa Haweenkooda (Dumarkooda) halka taas badalkeeda inaga aan dulmi ku heyno, illinta iyo ciilka ay la wehelka yihiina waa mid aan inagu badnay, waana nagu ceeb iyo garasho xumo in aan haldoorkeena u turi weyno si ay inoogu faannaan inaguna ugu faanno adduunka intiisa kale.

Ugu danbeyntii waxaa taas ku gaari karnaa in Haweenkeena udgoonka, quruxda iyo samirka badan waa inagoo daryeel wanaagsan u samayno, una abaal gudnaa, isla markaana si isku meel ah uga soo wada jeesanaa midkeena xun ee dulmiga iyo xadgudubka kufsiga ugu horeeyo iyo tacadiyada kaleeto ee sababa in naftooda qaaliga ah la dhaafiyo u geysta, waxaana si guud ugu baaqayaa ragga Soomaaliyeed in Dumarka tixgalin iyo muhiimad gaar ah la siiyo si wixii xuquuq ah oo ay mudan yihiin u helaan, waana in aan gudanaa waajibaadka inaga saaran dhowrida Haweenkeena waa haddii aynu nahay ragga Soomaaliyeed.

Haddaba gun iyo gunaadka qormadeyda HA DILIN EE DARYEEL HAWEENKA oo ah kuwa ay nolosheenu ku tiirsantahay oo aynaan marnaba ka maarmi karin waayo waa waalidkeen, walaasheen ama sidoo kale xaaskeena aan jecelnahay.

W/Qoray: Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey).

Bergen-Norway.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*