Guusha Axmed Madoobe iyo Fashilka Nabad iyo Nolol (Maxaa Xigi doona).

0
21

Maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland ayaa hadda u muuqanaya mid kasii fakana Nabad iyo Nolol oo lala yaaban yahay markaan waxa helay qorsheyaasheedii lama gafaanka ah.

Axmed Madoobe ayaa ku guuleystay arrimo badan, iyadoo maantana ayba doorasho ka dhacday lagu doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen ee hogaamin doona 4-sano ee soo socota waana baarlamankii labaad ee maamulka Jubaland uu yeesho.

Nabad iyo Nolol oo maciin biday Shisheeye, ayaa hadana guuleysan weysay, waana waxa lala yaaban yahay oo taariikh mugdi ah ku noqon doona nabad iyo nolol.

Dadka qaar ayaa qaba in Nabad iyo Nolol aanay sidan ku quusan doonin oo ay qorsheyaal kale damacsan tahay.

Qorsheyaasha waxaa ka mid ah in dagaal uu ka dhaco Kismaayo si doorasho aanayba halkaasi uga dhicin.

Waxaa la ogaan doonaa wax walbo Khamiista soo aaddan oo ay ku beegan tahay doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

 

LEAVE A REPLY