Guulwadeyntii gobolka Banaadir oo Madaxtooyadda iyo Bulshada kicisay

0
24

 Isgoyska 14 October(Zoobe) shalay waxaa lagu soo bandhigay labo gaari oo lagu soo dhejiyay Sawirada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo dhiig Shubaya, waxaana ka dhalatay dood iyo Carro Sababta ka dambeysay in falkaasi la sameeyo xilli ay jireen Qaraxii Zoobe in bulshada intooda badan ay ka qeyb qaateen.

Inta badan Siyaasiyiinta Soomaliyeed , Guddoonka baarlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay dhiig shubay xilligii uu dhacay Qaraxii Zoobe.

Boqolaal dadweyne ah oo rabay in ay ka qeyb galaan Munaasabadda lagu xusaayay 14 October , islamarkaana filayay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha in ay yimaadaan goobta ayaa kaliyah kusoo baraarugay labo gaari oo Sawirro lagu soo dhejiyay.

Dadkii Soomaaliyeed ee ku sugnaa goobta ayaa aad uga Carooday falka ay ku dhaqaaqday Dowladda ee labadda shaqsi kaliyah loogu soo dharjiyay labadda Gaari, sidoo kale Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarahana ay ka baaqdeen Munaasabadda.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ugu gudbiyay baraha bulshada Farriimo Cambaareyn ah oo ku aadan Sawirada, waxaana qaarkood ay sheegeen in aan lagu jirin xilli Ololo doorasho.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa eedda Sawiradda ka careysiiyay bulshadda Soomaaliyeed ku eedeeysay gobolka Banaadir.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in degmada Wadajir ay ku buufisaneyd labada Gaari, islamarkaana dhaqankaasi aysan waxba ka ogeyn Madaxtooyadda uuna ku kooban yahay degmooyinkii sameeyay oo uu ku tilmaamay in dhaqan duugoobay ay dib ugu laabteen.

Maamulka degmada Wadajir iyo gobolka Banaadir wali kama jawaabin Sawirraddaan Caradda abuuray ee kiciyay Bulshada Soomaaliyeed oo qaarkood ay sheegeen in dowlada Soomaaliya ay Ololo doorasho u badeshay Munaasabadii ducada aheyd.

 

LEAVE A REPLY