GUDOOMIYAHA XISBIGA ISBAHEYSIGA SOOMAALIYEED OO LAGU SOO DHAWEEYEY MAGAALADDA BERGEN.

Waxaan maanta si heer sare ah magaaladda Bergen oo ah Caasimada labaad ee Dalka Norway lagu soo dhaweeyey Guddoomiyaha XISBIGA ISBAHEYSIGA SOOMAALIYEED Mudane Maxamed Cali Nuur (Ameeriko).

Garoonka Diyaaraddaha waxaa ku soo dhaweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada sida, Haweenka, Dhalinyaradda, Carruur si qurux badan loogu soo labisay iyo aqoonyahano uu ka mid ahaa Xildhibaan C/laahi Cilmi Ibraahim oo dhawaan ku guuleyste kursi ka mid ah golaha deegaanka doorashadii 9-ka bisha ka dhacay dalka Norway.

Halyeey Qaran Maxamed Cali Nuur Ameeriko inta uu ku sugan yahay magaalada Bergen waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa qeybaha bulshada ay ka kooban tahay.

Sidoo kale kullan weyn ayaa lagu wadaa inuu habeen dambe Hoolka Biks-ka kula yeesho guud ahaan Ummadda ku nool magaalada Bergen.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*