Guddoomiye hore oo iska diiday in mar kale loo magacaabo gobolka Banaadir.

0
16

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa waxay sheegayaan in madaxweyn Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre usoo bandhigeen Xasan Xuseen Muungaab in markale uu noqdo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Ilo ku dhow Muungaab ayaa la sheegay inuu iska diiday arrintaasi, iyadoo aan la ogeyn weli sababta uu isaga diiday qabashada xilkan.

Muungaab ayaa horey usoo noqday duqa Muqdisho, wuxuuna sidoo kale noqday guddoomiyahii maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Siyaasiyiin caan ah ayaa u safan qabashada xilka duqa Muqdisho, waxayna qaarood yihiin kuwo hadda xilal ka haya dowladda federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY