GUDDOOMIYAHA HAWEENKA HIMILO QARAN UK OO LAGU SOO DHAWEEYEY MAGAALADA OSLO+SAWIRO.

0
34

Magaalada Oslo oo ah Caasimada Dalka Norway waxaa xaflad soo dhawayn iyo taageero isugu jirtay loogu sameeyey Guddoomiyaha Haweenka Xisbiga Himilo Qaran ee UK Marwo Xaawo Xaaji oo dhawaan booqasho ku timid magaaladani.

Xafladda oo ay si qurux badan u soo agaasimeen qeybaha kala duwan Jaaliyadda magaalada Oslo ayaa ugu horayn lagu furay aayadaha qur’aanka Kariimka, iyadoo ay goob joog ahaayeen dadweyne badan oo isaga kala yimid xaafaddaha ay ka kooban tahay magaalada Oslo, Marti sharaf goobo fog fog ka yimid, halka ay dhanka isgaarsiinta kaga qeyb galeen Guddoomiyaha guud Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Saleebaan Maxamuud Xaashi, Xog-hayaha Maaliyadda Hiil Qaran C/naasir Maxamed Sheekh oo labaduba ku sugnaa magaalada Muqdisho iyo Guddoomiyaha Himilo Qaran UK Ibraahim Sheekh oo dhankiisa ku sugnaa Magaalada Birmingham.

Xildhibaan Saleebaan Maxamuud oo ah Guddoomiyaha guud Himilo Qaran ayaa sheegay in Jaaliyada Norway looga baahan yahay inay is abaabulaan isla markaana sameestaan Xarun dhexe….halka uu balan qaaday inay booqasho ku iman doonaan xubnaha sar sare ee ka midka ah xisbiga.

Axmed Wacays oo mar soo noqday xildhibaan ka mid ahaa golaha deegaanka Oslo ayaa dhankiisa sheegay inaysan ahayn markii ugu horaysay xisbi uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya laga taageero Magaalada Oslo.

Gabagabadii xaflada Guddoomiyaha Himilo Qaran UK Marwo Xaawo Xaaji ayaa ka mahadcelisay kullanka soo dhaweynta quruxda badan ee loo sameeyey, iyadoo sharaxday qeybaha uu ka kooban yahay xisbiga, halka ay ku bogaadisay Jaaliyaddaha dalalka Norway iyo Sweden inay ku daydaan reer UK. 

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA XAFLADDA IYO SOO DHAWEYNTA.

Salaad Daacad Oslo, Norway.

LEAVE A REPLY