Geedi “Dowladda way ka gaabisay maqaamkii gobolka Banaadir uu mudnaa…”.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof: Cali Maxamed Geedi ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ka gaabisay maqaamkii gobolka Banaadir, isagoo dhinaca kale arrin lagu xumaado ku tilmaamay burburinta dowladda ay ku wado maamul goboleedyada dalka.

Prof: Cali Maxamed Geedi ayaa sidoo kale sheegay in dhibaatooyin fara badan laga soo maray dhisida maamul goboleedyada dalka, intii la isku sii hagaajin lahaa taa badalkeeda dowladda hadda jirta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ay burburin ku heyso.

“Xaalka mindi mindi ku taagta ka jirta maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe mid dan u ah ummadda Soomaaliyeed maaha, nidaamka maamul goboleedyada dhisidooda dhibaatooyin fara badan ayaa laga soo maray dhaqaalo iyo juhdi fara badana waa lagu bixiyey in si fudud dowladda ku burburiso waa ayaan daro aad u weyn” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya Prof: Cali Maxamed Geedi.

Hadalkan ayaa imaanaya xili dowladda federaalka ah ee Soomaaliya dagaal xoogan kula jirto nidaamka dowladd goboleedyada dalka, waxaana ugu dambeeya faragelinta xoogan oo ay iminka ku heyso maamulka Jubaland oo dhawaan la filayo inay ka dhacaan doorashooyinka maamulkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*