Home Ciyaaro Ferdinand; Waxaan ugu baaqayaa Ronaldo inuu dib ugu laabto Manchester united

Ferdinand; Waxaan ugu baaqayaa Ronaldo inuu dib ugu laabto Manchester united

Halyeeyga Manchester United Rio Ferdinand ayaa udiray fariin saxiibkisii hore ee United Cristiano Ronaldo isagoo ugu baaqay inu ku laabto kooxdiisii hore,

ka dib markii xiddiga reer Portugal uu sheegay inuu ka tagayo Real Madrid Manchester United ayaa kamid noqotay kooxaha dalabka u diray ciyaaryahanka.

Wararka soo baxayay maalintii sabtida ee shalay ayaa sheegayay in Ronaldo uu ka tagayo kooxda ka dhisan La Liga ka dib markii uu lu eedeeyay qiyaano canshuur ah.

32-sano jirkaan ayaa ka tagay Old Trafford markii uu ku biirayay Bernabeu sannadkii 2009 markaas lacag rikoorka adduunka ugu qaalisan oo aheyd £ 80 lagu iibsaday.

Taageerayaasha United ayaa jeclaan lahaa in ay arkaan markale Ronaldo oo xiran maaliyadooda, waana riyo qof walba oo United ah ku haminayo.

Ronaldo ayaa lagu burburin karaa qandaraaskiisa Real Madrid £ 1billion, laakiin Ferdinand ayaa ugu baaqay xiddiga reer Portugal inuu dib ugu laabto Old Trafford.

Labadaan xiidig ayaa Man united si wada jir ah ugu caawiyay iney ku guuleysto tartanka yurub sanadii 2008dii

Ronaldo ayaa laga yaabaa in Man united dib ugu laabto kol haddii uu ku dhawaaqay inuu ka tagaayo Real madrid

 

 

W/Diyaariyey:- Maxamed Maxamuud Cilmi (Maxamed Juube)

Shabakada Somalibile Media

Xafiiska Magaalada Muqdisho
Email: somalibile@gmail.com
info@somalibile.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here