FARIIN KU SOCOTA GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOOMAALIYA.

Soomaalidu waxay tiraahdaa “Nin Adduunyo joogoow maxaa aragti kuu laaban”, in badan oo ka mid ah guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa aan lixaadkoodu dhammeen marna ma aysan filanayn in mas’uul ku hadlaya magaca guddiga doorashooyinka dalka ama kan Qaranka inuu af-lagaadeen, masabidasho iyo ku jees-jeesid kula dhaqaaqo dadka naafadda.

Kadib kullan lagu soo bandhigayay heerka uu marayo diyaar garoowga guddiga doorashooyinka dalka, isla markaana ay ka qeyb galeen xubno malaha aan malaynayo inay ka mid yihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa weydiiyey su’aal ahayd bal suurtagalnimada in dadkaasi ay ka mid noqdaan guddiga doorashooyinka la filayo inuu dalka ka dhaco horaanta 2021-ka.

Laakiin shaqsi aan mudneen in lagu tilmaamo mas’uul dowladeed baa af-mugii ugu gafay dadka naafadda aan lixaadkoodu dhameen waliba isagoo wajigiisa ay ka muuqatay ku jees-jeesid, yasmo, dhoola cadeen, intaas kuma uusan ekaane waxa uu si cad u sheegay in qaraxii ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar kaasoo ay ku dhinteen Guddoomiyihii gobolka Banaadir AUN: Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) iyo xubno kaloo fara badan inay ka dambeeyaan dadka naafadda aan lixaadkoodu kaamilka ahayn, arrin filan waa iyo loo qaateen ayayna ku noqotay dadkii madasha ku sugnaa iyo bulshada inteeda kale, waase dhacday!.

“Shaqaalaheena waa mid furan soo dalbada, ahmiyada koowaadna waan idin siinaynaa anigoo magaca guddiga ku hadlaya….sida gobolkana hana yeelina, kix kix kix kix ahahah ahahaha” ayuu si aan xushmeen iyo qadarin intuba lahayn u yiri shaqsiga ku hadlay afka guddiga doorashooyinka dalka.

Hadalkaas xanafta lahaa, qosolkii, dhoola cadeyntii iyo caydiiba waxay intuba dhaawac sumcadeed, siyaasadeed iyo mid bulshaba u gaysatay dadka naafadda oo markii horeba tirsanayay dulmi fara badan oo lagu hayo, hase’yeeshee iminka sawir iyo sifo aan habooneen lagu tilmaamay kadib qaraxii xarunta dowladda hoose ee Xamar kaasoo wali aan howlihiisa baarista aysan soo idlaan.

Sababta aad hadalka u tiri haddii uu kaa yahay naftaada bad-baadso xusuusnoow in maalin waliba dadka wax dila, kuwa qaraxyada fuliya, qaarka weerarada bahalnimada ku gala xarumaha dowladda iyo hoteladdaba inay yihiin dad lixaadkoodu dhan yahay, waxaad kale aad ogaataa in xafiisyadda dowladda, laamaha amaanka iyo meel kasta inay ku milan yihiin kooxaha argagixisada adigana aad isku shaati tihiin.

Haddii ay aqoon-darro kaa ahayd in aad u gafto dad kula midka ah isla markaana aad sheeganayso mas’uul matala dadkaasi in aad tahay ka bixi raaligelin….Ogoow lixaadka aad ku faanayso iyo mas’uuliyadda aad sheeganayso labaduba in aad bari weyn karto….Xusuusnow kan naafadda aan lixaadka u dhameen iyo adigaba in aad tihiin laba qof oo bani’aadam ah kaliya farqiga idin dhaxeeyo uu yahay daruufaha waana mid uu EEBBE keenay oo ay ku qanacsan yihiin, waliba ay diyaar u yihiin inay Ummaddooda si daacad iyo naxariis ay ku jirto ugu adeegaan, xili dalka uu ku jiro xaalad ay adag tahay inay ku shaqeeyaan ayay misana diyaar u yihiin.

…..Ogoow in aad ceeb weyn u soo jiiday madaxda dowladda federaalka ee Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyayaasha labada aqal iyo magaca guddiga doorashooyinka dalka oo aad sheegtay in aad afkooda ku hadashay xubintana aad ka tahay.

Waxaa ugu baaqayaa guddiga doorashooyinka iyo madaxda dalkaba in ninkani oo u muuqda mid aan horay ugu soo shaqeen mansab iyo haykal dowladeed inay talaabo ka qaadaan, raali gelin buuxdana ka bixisaan meel ka dhaca uu u geystay walaalaha lixaadkoodu aan dhammeen ee inaga midka ah.

Ugu danbeyntii ma kala cadda cida sida rasmiga ah u fulisay qaraxii wuxuushnimadda ahaa ee ka dhacay Xarunta dowladda Hoose, inuu ahaa mid horay goobta loogu sii xiray sida inta badan xeeldheerayaal dhinaca amaanka ah ay qabaan tuhun noocaasi ah, qarax qof isku xiray gaar ahaan gabadha aragga naafada ka ahayd sida qaar bulshada ka mid ahi isla dhexmarayaan, waxaase hubaal ah qaraxa inuusan ka fogayn gacanta dowladda, lase arki doonee cida ay ku cadaato si cadaalad u helaan marxuumiintii nafafyaalkooda ku waayay iyo inuu la mid noqdo qaraxyadii iyo weeraradii horay dalka uga dhacay oo baaritaano waqti dheer qaatay kadib wax natiijo ahi aan laga gaarin rasmi ahaan dadkii ka dambeeyey.

W/Diyaariyey: Bile Mohamed Abdi (Bile-Baastey).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*