FAALO: Jawaari oo bud la hortaagan Ansixinta Xukuumadda.

17619237_1079250728846956_196796246_nGuddoomiyaha golaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa oo wata koox wata Baarlamaanka aqalka Hoose ayaa gambar gaaban ugu fadhiya xukuumada dhawaan uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre taasoo aan wali wax kalsooni ah ka helin golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Sida aanu ku helayno warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Somalibile Media ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof: Maxamed Cismaan Jawaari uu danahiisa ka waayay xukuumada 26-ka Wasiir taasoo keentay inuu bilaabo olole ka dhan ah ansixinta Xukuumada Cusub.

Guddoomiyaha ayaa isku dayay inuu qalqal geliyo Ra’iisul Wasaaraha iyo kooxdiisa wasiirada cusub ee aan wali la ansixin isagoo warqad u diray Xafiiska Mudane Kheyre una sheegay in xukuumadan aysan mari doonin Baarlamaanka, waa haddii uu ka waayo xubno gaar ah Wasiiro isaga ka socda ay ka mid noqdaan Xukuumada Ra’iisul wasaaraha uu magacaabay.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo helay xogaha ku aadan Baarlamaanka ayaa habeenimadii isniintii isugu yeeray golihiisa Cusub Wasiirada, isagoo kulan deg deg ah la qaatay golahiisa Wasiirada kuna dhiirageliyey inay la yimaadaan xirfado Baarlamaanka ay ku kala fur furayaan, si loo baas gareeyo xukuumada (Loo ansixiyo).

17553405_1083155978454970_3649148999017741322_n

Sawir gacmeeyaha Caanka Amin Arts ayaa soo sawiray sawir ka qosliyey shacabka Soomaaliyeed isagoo ku muujiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka oo bud weyn la hortaagan xarunta golaha shacabka irideeda hore ee laga galo kalfadhiga Baarlamaanka, balse xirfadii ay muujiyeen wasiirada ee xalay go’aanka ku wada qaateen Mudane Kheyre ayuu sawir gacmeed ku muujiyey iyagoo Wasiirada ka galayaan dariishadaha.

Lama oga waxyaabaha ay xukuumadan kala kulmi doonto Guddoonka Baarlamaanka oo bud weyn u heysta ansixinta Xukuumada, iyadoo maalinta  Arbacada inagu soo aadan  la filayo in xukuumada la horgeeyo Baarlamaanka.

Waxaa Qoray: Saalax Nuur Cali (Saalax Dheere).

Email: saalaxcade@gmail.com

Johannesburg-South afrika.

 

Shabakada Somalibile Media

Xafiiska Magaalada Muqdisho

info@somalibile.com.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

548 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>