FAALLO: Maatidii la xasuuqay maxaa meydkooda loo Nabaa…!!!.

Xasuuqii Deegaanka Bariire ee lagu laayey 10-kii qof ee rayidka beeraleyda ahaa waa dhacdo aan la halmaami doonin, waxaana cadeyn inooga filan in ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Ciidamada Mareykanka inaysan u kala soocneen dadka shacabka ah ee aan raadka ku lahayn Al-shabaab iyo haddii ay yihiin kuwa dagaalka kula jira intuba.

Guuxa dadweynaha ee baraha bulshada iyo goobaha la isugu yimaado ee gudaha Soomaaliya iyo waliba dalka dibadiisa ayaa noqatay mid lagu hadal hayo Maatidii lagu xasuuqay deegaanka Bariire ee haddana meydadkooda lagu tilmaamay inay ahaayeen Shabaab hubeysan oo xabada dhankooda ka soo bilaabatay, taasna ay sababtay in la xasuuqo sida ay warbaahinta maxaliga ah, tan dowladda iyo baraha bulshada ay isticmaalaan soo dhigeen qaar ka mid ah golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya, halka madaxweyne Farmaajo ka tacsiyadeeyey gumaadkaas, sheegayna in la baari doono sida ay wax u dhaceen, wallow dhammaan qormooyinkaasi is wada burinayay la masaxay.

Aan ku horumaree hadalka Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa noqday midka loogu maadka badan yahay, kadib markii Idaacada VOA-da qeybteeda Afka Soomaaliga si aan hubsiimo lahayn uu uga sheegay xasuuqii Bariire inuu ahaa mid lagu laayay 9-ka mid ah Xoogaga hubeysan ee Al-shabaab.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Yariisow ayaa qoraal uu boggiisa facebooka uu soo dhigay ku sheegay in dowladda howlgal ay ka fulisay deegaanka Bariire 25-August-2017 ay ku dileen 8 qof oo Shabaab, isagoo meesha ka saaray in weerarkaasi haba yaraatee hal qof oo shacab ah lagu dilay.

Waa arrin laga yaq yaqsoodo in wasiiradda Gaashaandhiga, Warfaafinta iyo waliba Wasiirka Arrimaha dibada ay si aan mas’uuliyad ka muuqan uga hadleen maatidii la xasuuqay, waxayna u hadleen qaab u muuqata mid lagu qaldayo shacabka Soomaaliyeed, waxayna ku ceeboobeen dhammaan wasiirada kor ku xusay hadaladooda is qilaafsan iyo sida ka fiirsasho la’aanta ah ee ay u hadleen.

Ma jirto cid maskaxdeedu taam tahay oo ku qanceysa 10-kii ruux Maatida beeralayda ahaa inay ka tirsanaayeen Al-shabaab, wasiirka gaashaandhigana si gaar ahaaneed ayuu ugu ceeboobey ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan eheladdii dadkii la xasuuqay ee aan wali meydadkooda aasan.

Haddii aad tahay mas’uul dowladdeed waxaa haboon in aad wax badan ka fiirsato inta aadan hadlin ama aadan qoraal soo qorin, haddii kale hadalkaagu waxa uu noqon doonaa mid maati la xasuuqay meydadkooda aad ka beensheegto, adigoo ku faanaya in cadow aad leysay.

Ugu danbeyntii anigoo ah qoraha qormadan Wariye Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey) waxaa maragti ma doonto ah maatidii lagu xasuuqay Bariire in si ula kac ah loo dilay, haddana lagu tilmaamay maleeshiyo beeleed hubeysnaa iyo Al-shabaab dhankoodana xabada ka soo bilaabatay, waana sababta igu kaliftay in aan qormadan u soo xusho ciwaankan aan ugu magac-daray Maatidii la xasuuqay maxaa meydkooda loo Nabaa…!.

W/Diyaariyey: Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey).

Shabakada Somalibile Media
Xafiiska Magaalada Muqdisho
Email: somalibile@gmail.com
info@somalibile.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

763 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>