FAALLO: FARIIDKII FASHILMAY “FARMAAJO”.

Kadib markii dowladdii uu hogaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud lagala wareegay talada dalka Soomaaliya waxa ay dad aad u fara badani ku haminayeen in la heli doono isbedel, horumar nabadeed, siyaasad iyo mid Amni oo la taaban karo waxayna bulsho weynta Soomaaliyeed rajadoodu ahayd mid aad u sareysay guushii Farmaajo 8/FEB/2017 oo haatan laga joogo muddo laba sanadood.

Intaad ku jirtay ololaha doorashada madaxtinimo ee dalka waxaad sheegtay in dalka aad gaarsiin doonto horumar la taaban karo oo ay ugu horaysay dhinaca amniga iyo Siyaasada dalka, intuba waxaana laga xusi karaa balanqaadyadaas fashilmay inaysan qabsoomin.

Haddaba waxa aan si hufnaan ay ku jirto oo aan xanaf lahayn qalinka ugu cadayn doonaa nabarada ku yaal Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo oo maamulkiisu laba jirsaday oo tan iyo mudadaas uu meesha joogay waxa laga filayay ee uu isagu afkiisa ku balanqaaday waxba ka qaban, iyada oo ay tahay maanta inta hogaamiye soo martay dalka in uu yahay kan ugu fariidsanaa, haddana kama hayno wixii magacaas u dhigmay waana sababta keentay in aan ciwaanka qormadeyda u xusho FARIIDKII FASHILMAY “FARMAAJO”.

 “Jidadkaan la xiraayo oo maalmahan dhan xiran waxa weeye qeyb ka mid ah Caburin, haddaad i doorataan, haddaan magaaladaan nabad ka keeni waayo baabuurtii waa weyneyd ayaa gadaal ka geli, jid la xiraayo ma jiraayo, markaan shabaab ka adkaano markaas ayaa baabuurta ku raaxeysanaynaa, laakiin isma keeni kartid adigoo dagaal ku jira inay jidadka Ummadda ka xiran yihiin dadkaad u baahnayd”, Waa mid ka mid ah tiro balanqaadyaddii fashilmay oo uu Farmaajo kaga qeyb galay ololihii guuleystay, xiligaas oo uu ahaa fariid dad badani ay wada sugayeen.

Hase yeeshee rajadaasi waxaa ay noqotay mid lagu hungoobey taas cagsigeedana waxaaba ay noqdeen kuwo iyagii caqabad ku noqday dadka shacab ah iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan, jidad la furo iska daaye kuwo hor leh ayaa la xiray, halka cid kasta oo aan ku aragti ahayn hannaanka dowladda ay ku shaqeyso lagu calaamadeeyey inay yihiin wax loogu yeero Qaran dumis, halka kuwo badan la caburiyey loona diiday xoriyada hadalka, sow lama mid ahan kalmadii Al-shabaab ee “Murtad” ku tilmaamayay kuwa ka horjeeda.

Soomaalidu waxay tiraahdaa “Maroodigu takarta saaran ma arko ka kale, tan saaran buu arkaa”, dul-duleelooyinkaasi shalay way u muuqdeen waayo xiligaasi mucaarad buu ahaa oo ku jiray olole doorasho, hase yeeshee maanta way ka qarsoonyihiin sababtuna waxa weeye isagaa Madaxweyne ah.

Haddaba haddii hogaamiye noqdo higil qodax badan iyo gogol dulin badan, ogaada oo maankiina galiya kaasi waa mid heemaal iyo hayal hogaamineed dibadda ka hurda, waxa kaliya ee taladu kaga uruurtaana waa qasab iigu sacab-tuma, golaha shacabka oo la laaluusho iyo koox propaganda la sameeyo iyo balanqaadyo beena oo aan natiijo dhalin.

Waa nin dusha aad ka moodo inuu yahay wadani dhaba ee aan gadaashii fariid jirin, laakiin ah dhuxul dambas huwan, oo ku milmay sida shilinta dhiiga iyo dheecaanka bulshada Soomaaliyeed, haddii uu yahay wadani dhaba dhiiga shacabka masaakiinta aan waxba galabsan ee maalin walba lagu xasuuqayo goobo aan ka fogayn xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayuu ka hadli lahaa lana qeybsan lahaa tiiraanyada, murugada iyo uurkutaalada xanuunka badan ee ay badaan xoogaga hubeysan ee Al-shabaab, ee uu lahaa xiligii doorashada dagaal culus baan la galayaa oo aan dalka kaga sifeynayaa, dal uu ka saaro iska daaye waxay dhowr talaabo u jirsadaan aqalka looga arrimayo Soomaaliya.

Waxaa hubaal dhab ah in talada loo igmaday uu gabay, waxaase la leeyahay bari buu ahaa fariid, haddase waa nin qol lagu xiray oo howshii loo doortay ilaabay, arrimihii laga sugayayna gacanta ugu jirto rag aan danahooda gaar ahaaneed mooyaane aan wax kaleba u jeedin.

Garashadu waa waxa haga qofka, ee ka leexiya halista ku yaala jidka uu cagta saaray, haddii kale oo aanay garasho iyo kasmo hagayn waxa uu hadba ku hoobtaa boor, waxaana waqtiga kaga lumaa hadba boor ka bax, waayo waa qof qardajeexaya oo aan wadan sahaydii uu ku mari lahaa jidkaasi qataraha badan, waxaana mudan in aad ka faa’iideysato labada sano ee kuu hartay, isla markaana saxdaa qaladaadkii dhacay labada sano ee la soo dhafay ee aad madaxweynaha tahay kana fiirsataa hadalada xanafta leh ee ay ka muuqdaan carada aargudashada loo maleeyo.

Waxa aad la qaawan tahay waa qorshe la’aan iyo dulqaad xumida siyaasadeed, taasoo ay kuu sii dheertahay adigoo inta kasmadoodu gaaban tahay ka dhigta ragga kuu dhow ee la taliyayaasha kuu ah, waana sababta aadan u aqbalin dhaliisha toosinta bulshada iyo waxgaradku kuu jeediyaan.

Qof kasta oo bani’aadam ahi waxa ugu mudan ee uu leeyahay waa dareenka uu ku qeexayo rabitaankiisa, isaga oo wado nabadeed u maraya, kuna sheegaya waxa laabtiisa iyo garashadiisu la tahay, taasina waa mid ka mida waxa aan cid looga marti ahayn, mana ahan inay suuragal kuu noqoneyso qasab iigu sacabtuma.

Mudane madaxweyne wixii shalay aad adigu diidanayd ayaad maanta dhexda ka joogtaa, kursigaad usoo sacba tumanaysay ma waxay ahayd kaliya ka kicin mise ka kacsasho, waxaase dhab ah in aad noqotay fariidkii fashilmay, waxaa kaloo runa in aad ogaan doontid maalin aan qoomamo wax ay kuu taraysaa aanay jiri doonin.

Wali maan arag mana maqal gaf ka fool xun, kaasoo aad kula kacday war-baahinta xorta ah ee madaxa bannaan, waayo maan lagaa filayn, laakiin waxaa hubanti ah in aad meesha dhaafayso, cid kaa yeelayso qasab igu amaana oo iigu sacba tuma ma jirto, dowladdnimadana adiga kaliya ma lihid iskana iloow hadalqabsiga xaqiraada xambaarsan ee aad ku sheegto gadaashaa in aanu qaran Soomaaliyeed jirin, ogsoonoow qaranka waa lagula leeyahay hortaana wuu jiray oo heerka maanta uu joogo soo gaarsiiyey gadaashaana wuu sii jiri doonaa.

Ugu danbeyntii mudane Madaxweyne labada sano ee kuu hartay adigoo ka faa’iideysanaya dibna u saxaya qaladaadka iyo tabashada fashilka ku heysta ku dadaal xal u helida khilaafka gaamuray ee kaala dhaxeeya maamul goboleedyada dalka, dulqaad u yeelo eedeemaha kaaga imaanaya siyaasiyiinta mucaaradka sida adiguba laguugu dulqaadan jiray xiligaad mucaaradka fariidka ah ahayd, soo afjar mashruuca aan dhammaadka lahayn ee qabyo qoraalka Dastuurka dalka, si dalka uga hirgalo doorasho qof iyo cod ah, sidoo kale amaanka oo iska cad inuu faraha ka baxay kuna guuldareysatay wasaaradda ku shaqada leh inay wax ka qabato iyo mudada labada sano ah ee aad sheegtay in aad dalka kaga ciribtireyso dagaalamayaasha Al-shabaab in aad kaga faa’iideysato labadan sano baaqiga kuu ah ee caawa kuu curatay.

W/Qoray: Bile Mohamed Abdi (Bile Baastey).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*