Faah-faahin ku saabsan nabadoon lagu dilay xaafadda Suuq bacaad.

Barqanimadii maanta Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa la sheegay in xaafada Suuqa Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku dileen Nabadoon Caanka ahaa degmadaas.

Nabadoonka la dilaya ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Nabadoon C/raxmaa Axmed Cabdulle oo ku magac dheeraa (Nabadoon Qaloosh), waxaana la sheegay in xilliga la dilayay uu fadhiyay goob Ganacsi oo ku taalla meel u dhow Laanta suuq Bacaad, dilka kadibna waxaa goobta si nabad geliyo ah uga baxsadeen dhagarqabashii dilay.

Dilka kadib ayaa waxaa goobta tegay Ehelada marxuumka la dilay iyo Ciidamao ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa Laanta Suuqa Bacaad,waxana la sheegay in Ciidamada ay sameeyeen howlgal wallow aan dilkaasi weli dad loo qaban.

Magalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilla loo geysto Askar, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Nabadoono Caanka ah Magalada Muqdisho, mas’uuliyada dilalkaas waxaa sheegtaan Al-Shabaab.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*