Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in ay raali ka tahay dadka magangeliyo doonka ah in la soo celiyo.

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo xalay casho sharaf loogu sameeyay magaalada Oslo ee cariga dalka Norway ayaa si cad oo aan ka ganbasho lahayn u xaqiijiyey in ay soo dhaweynayaan Soomaalida lagu soo celinayo dalki hooyo.

Cashada kadib oo wasiirka ay Soomalida su’aalo ka weydiiyeen arrimo la xarriira xaga sharciga iyo dib u celinta oo lagu jahwareersanaa ayuu sheegay in dowlada aysan waxba ka qaban karin arrinta la xariirta sharciga degenaashaha, dib u celinta iyo magangelyada.

Axmed Ciise ayaa tusaale u soo qaatay wadanka boqortooyada Sacuudiga oo uu tilmaamay in qarniyaal badan dadka Soomaaliyeed laga soo tarxiilo isla markaana dadku aysan ka hadlin, isagoo sheegay in aysan jirin dowlad ka hadli karta dad wadankooda lagu soo celinayo lagana soo celinayo wadamada Mareykanka iyo qaar ka mid ah dowladdaha Yurub.

Warka wasiirka ayaa niyad jab weyn ku ah magangelya doonayaal fara badan oo qabowga Norway u joogay in ay helan sharciga qaxootiga, halka qaarkood muddo ku dhow afar sanadood ay sugayaan hanashada deganaashaha rasmiga ah.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*