DHIBAATOOTINKA QURBAHA IYO BAR-BAARINTA UBADKA (QALINKA ABDUL).

0
41

Ma waxaa haboon in dab la damiyo, mise in laga hortago inuu dab dhaco.

Murugo waalidka uga weyn ma jirto in ubadkiisa laga qaado isaga oo nool, iyada oo weliba loo aanaynayo in waalidku gabay ama kasoo bixi waayay bar-baarintii iyo daryeelkii ubadku xaqa u lahaa.

Waxaan in dhawaalahanba aan si dhaw ula socday baryahan dhacdo murugo iyo amakaag lahayd taasoo ku saabsanayd hooyo laga qaaday lix carruur ah waddanka Denmark, iyadana lagu xukumay inay waddanka ka baxdo, ama laga masaafuriyo waana dhacdo intii maqashay ay la xanuunsatay tiiraanyo darana ku reebtay.

Waxay dhacdadaasi in badan oo ku nool waddamada reer galbeedka ku noqotay fajac welwelkii ay hore u qabeena ku laba lixaadisay. Waxay dadku inta badan ka welwelsan yihiin dhacdooyika carruurta waalidkood looga qaado oo soo badanaya, isla mar ahaantaas waxay aad uga murugoodeen waalidiin fara badan gaar ahaan dhacdanadan ugu dambaysay ee soo food saartay hooyadan Soomaaliyeed.

Hadaba waxaa xusid mudan in dhacdooyinka noocan ahi ayna Ugub ku ahayn Soomaalida qurbaha gaar ahaan kuwa ku nool waddamada reer galbeedka dhexdooda.

Waxaase wax aad looga xumaada ah in mar kasta oo dhacdo noocan ahi dhacdo dadku xoogga saaraan tan markaa taagan, ee aan cidna inta badan is-weydiin, Maxaa sababay in ubadka laga qaado waalidkiis?.  Sideese looga hortagi karaa? Iyo arrimo kale oo la mid ah.

Waxaan qormadan gaaban ku eegi doonaa Goorma ayey hay’ada daryeelku soo faragelisaa arrimaha qoyska? Goormaa ubadka waalidkii dhalay laga qaadaa? iyo siyaabaha looga hortagi karo in ubadka la qaato.

Waxaan shaki ku jirin in marar badan waalidka looga qaado siyaabo khaldan oo deg deg ah, iyada oo aan si qoto-dheer loo darsin dhibaatooyinka soo food saari kara waalidka ku cusub waddamadan reer galbeedka oo u ka jiro kala duwanaansho dhanka abaabinta dhallaanka.

Waxaa taas dhinac yaal in waalidiinta laftoodu wakhti iyo tamar badan gelin sidii ay u fahmi lahaayeen kala duwanaanshaha bar-baarinta galbeedka iyo dhulkii hooyo ee aanu ka nimid.

Haddii aynu isku dayno inaan wax ka tilmaanno su’aalaha aynu kor ku soo xusnay, hay’ada daryeelka ubadku waa hay’ada ugu hawlaha adag marka loo eego hawlaha dawladu u igmato hay’adaheeda kale ee dawlada, sababtoo ah waxaa la wada dareensanyahay muhiimada ay ubadka u leedahay inay ku bar-baaraan guriga waalidkood iyo waliba inay waalidkana ahmiyad gaar ah u leedahay in carruurtoodu la nool yihiin.

Taas oo jirta ayaa hadana hay’ada waxaa waajib ku ah inay soo farageliso haddii ay soo gaaraan farriimo welwel xabaarsan kuwaas oo ka imaan kara hay’daha kale ee dawliga ah sida, xannaanada carruurta, iskuulka, xarumaha hooyada iyo dhallaanka amaba dariska.

Baaxada faragelinta hay’adu sammayso hadba waxay ku xiran tahay inta farriintu xambaarsan tahay. Farriimaha qaar waxay keenaan in ubadka aan la sugin in waalidka wada hadal lala yeesho ee waa la sii qaadaa kadib waalidka loogu yeeraa wada-hadal, qaar kalena waxaa waalidka loo diraa warqado lagaga dalbanayo inay kulan wada-hadal u yimaadaan xafiiska hay’ada ee waalidku xaafada uu ku nool yahay ku yaal.

Hadaba arrimaha waxaynu u kala qaadi karnaa labo.

  • In carruurta gurigooda meel aan ahayn la geeyo.
  • In carruurta gurigooda ay joogaan inta baaritaanku socdo (Inta badan 3 bilood).

Mida hore waxaa lagu saleeyaa in ay jirto tacadi daryeel oo khatar ah in waalidka laga soo gudbiyey. Haddaba muxuu tacadigaasi noqon karaa.

  • In waalidku ubadkiisa faraxumeeyo.
  • In ubadka caafimaadkiisa iyo horumarkiisa dhaawac soo gaaro, sababo la xiriira waalidka oo aan gudan karin waajibaadkiisa waalidnimo taas oo ay keentey mukhaadaraad ama maskax ahaan waalid aan dhammaystirnayn.
  • In waalidku ciqaabo ubadka jir ahaan ama maskax ahaan.

Qodobka labaad ee ah in ubadka loo daayo gurigooda iyo waalidkood inta baarittaanku socdo, waxaa ka mid ah.

  • In ubadka laga dareemo isbedel dabeecadiisa ku yimaada (Loo arko in guriga dhib ka jiro).
  • In daris-ka soo gudbiyo qaylo iyo sawaxan ka baxa guriga xilliyada dambe habeenkii (Qaar lagu eedeeyey in booqashadu ku badan tahay).
  • In qofka farriintu gaartay laftiisu aqoon iyo khibrad u leeyahay dadka ajaanibta ah (La soo xiriirid xafiiska laftiisa ka timaada).

Sidee looga hortagi karaa in ubad laa qaado amaba lagu soo farageliyo.

Waxaa biyo kama dhibcaan ah in la fahmo in hay’adahan iyaga oo sammaysan oo shaqeeya aynu waddamadaan nimid, marka waa inaan ogaanaa inaan innaga la inoo sammaysan. Sidaas oo ay tahay waxaan ka mid nahay dadka ay faragelinta ugu badan ku hayaan.

Waxaynu soo sheegnay waxyaabaha faragelinta keena waxaa ka mid faraxumaynta carruurta. Ilaahay mahadiis soomaalida intaan ogahay cid lagu soo eedeeyey arrimahaas foosha xun ma jiraan, laakiin waxaa inta badan la innagu eedeeyaa in gacanta aan kala hadalno carruurta.

Aniga oo adeegsanaya khibradayda (ICDP VEILEDER) waxaan inta badan maqlaa waalidiin leh kuma faraxsani inaan carruurtayda u gacan qaado, laakiin maxaan sameeyaa? Halkaas waxaa ka cad in haddii waalidku helo bedel uu ka kaaftoomayo gacan ka hadalka ayna dhacayso in isu soo dhawaanshaha iyaga iyo ubadkooda ay timaado.

Gunaanadkii waalid walba waxaa saaran inuu isku hubeeyo aqoon ku saabsan sida ubadka loo bar-baariyo, waxaa jira koorsooyin badan oo uu qofku qaadan karo oo ka caawinaya bar-baarinta sida, International Child Development Programme (ICDP), Circle of Security (COS) iyo qaar kale.

Waalidku waa inuu la xiriiraa hay’ada daryeelka lafteeda oo ka dalbadaa koorsooyinka bar-baarinta oo uu weydiistaa caawimaad. Ha la iska daayo cabsida laga cabsanayo hay’ada, waayo marka aad la xiriirto waxaa laguu arkayaa qof isku kalsoon oo doonaya inuu ubadkiisa si wanaagsan u korsado.  

W/Qoray: Abdul M Ahmed.

Bergen-Norway.

 

LEAVE A REPLY