Dani Alves oo laga yaabo inuu ku biro Man City ama Chelsea


Weeraryahanka ay isku kooxda yihiin ee Gonzalo Higuaín ayaa dhawaan dood ka dhaliyay mustaqbalka Alves ee kooxda ka dib markii farriin macsalaameyn ah uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka balse gadaal dambe ayuu ka tir tiray

Sida Italy Football sheegeyso laacibkaas 24 sano jirka ah ayaan Juve la meel dhighin hishiis cusub waxa ayna isku qilaafsan yihiin

Muddada hishiiskaas uu gaari karo

Juve ayaa dooneysa in laacibkaas siiyaan hal xilli ciyaareed balse isaga waxa uu doonayaa laba xilli ciyaareed

Wargeyskaas ayaa sheegaya in laacibkaas hore Barcelona uu haatan u dhaw yahay in ku biiro kooxda Man City kana hoos ciyaaro macalinkiisa hore ee Pep

Kooxda Chelsea ayaa sidoo kale xiiseyneysa Alves ,waxa ayna arimahaas imaanayaan xilli laacibka dhawaan sheegay in uu doonayo in uu ka ciyaaro horyaalka Ingiriiska ka hor inta uusan ciyaaraha ka farriisan

” Sanadki hore waxaan diiday dhowr dalab oo horyaalka Ingiriiska ah waxaana door biday markaas horyaalka Italy”ayuu Alves ka yiri wargeyska Esporte Interativo.

Alves ayaa horay ugu soo cayaaray kooxda Barcelona, Wuxuuna isaga tagay 2 sano ka hor ka dib mrkii uu Barcelona kula guuleystay tartankii yurub sanadkii 2015

 

W/Diyaariyey:- Maxamed Maxamuud Cilmi (Maxamed Juube)

Shabakada Somalibile Media

Xafiiska Magaalada Muqdisho
Email: somalibile@gmail.com
info@somalibile.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*