Damqashada iyo Xanuunka uu reebay Tacadigii Marxuumad Caasha Ilyaas Aadan

0
91

Damqashada iyo xannuunka aan la qiyaasi karin ee aan ka damqaday dilka foosha xun, axmaqnimada iyo bahalnimada ah ee lagula kacay marxuumad Caasha Ilyaas Adan-sida magaceeda aan ka dhiigtay illo wareedyo kala duwan- waxan la wadadgayaa lana qabaa dad badan oo soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan uga falceliyay. Waxan sidoo kale xannuunka iyo murragadaba la qaybsanayaa qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxday gabadhaa yar ee aan waxba galabsan ee nolosha looga ba’ay.

Arrintan xanuunka badani waxay ay marag iyo caddayn u tahay heerka uu gaadhsiisanyahay gaboodfalka iyo tacadiyada sida joogtada ah ay ula kulmaan dumarka soomaaliyeed. Waxa kale oo ay muujinaysaa heerka basar xumada iyo bahalnimada ay ka gaadheen raga soomaaliyeed. Waxa aan  warar aan sugnayn ku helay in raga ka danbeeyay falkaa foosha xun, dhaqanka, diinta islaamka iyo baniaadminimada ka baxsan ay ku kaceen koox rag ah oo da’doodu iskugu jirto 30 jiro ilaa 60 jiro. Taasi waa arrin kale oo xannuunkeeda leh haddii warkaasi jiro.

Dhibaatada iyo xannuunka aan dareemayno ee ka dhashay dilka bahalnimada ah ee walaasheen waxa ay inna xasuusinayaan baahida aadamuhu u qabo in uu helo nidaam adag oo isku haya bulshada, qawaaniin la raaco leh cidda qawaaniintaa iyo nidaamkaa raaci weydana ciqaabta. Nidaamka caynkaas ah iyo shaqooyinkaasi waa kuwa ay dawladduhu qabtaan. Mar kale dhacdadani waxa ay inna wada xasuusinaysaa baahida loo qabo maamul dawladeed oo leh nidaam iyo kala danbeyn (law and order).  Bal qiyaas meel nidaam dawladeed oo shaqaynayaa ka jiro ma ka dhici lahaa waxa dhacay? Hadduu dhaco qofka falkaa geystay ma ku badbaadi lahaa? Si kasta oo ay falal noocan ah ama kuwo la nooc ahi uga dhacaan waddamada dawladaha leh, falgaysteyaashu waa kuwii la soo qabto ee sharciga  iyo caddaalada la horkeeno mar ay noqotoba- dabcan waxa jira waxyaabo u sahlaya  helista danbiileyaasha-. Dawlad la’aani waa gunnimo!

Burburka  ummadaha ku dhacaa kaliya ma saameeyo hantida muuqata ee la arki karo ( sida hay’addaha dawladda, daaraha, dhismeyasha, kaabeyaasha bulsho iyo adeegyada) waxa kale oo uu saameeyaa fikirka, caqliga, garashada iyo dadnimada bulsho. Labada saameynood, saamaynta maskaxda ayaa xeeldheer waxayna bulshadu noqotaa mid naxariista, damiirka iyo damqashaduba ka guurto. Tusaale burburka ka hor, colaadaha ugu badan ee bulshada soomaaliyeed ka dhex dhacaa waxay ku saabsanaan jireen -marka geela oo kaalinta 1aad ku jira laga tago- dumarka, colaado riiq dheer baa ka dhalan jiray dhibaataynta gabdhaha waxayna ahaan jireen kuwo gaadh laga hayo. Maanta oo dad badani aaminsanyihiin in baraaruga bulshada ka waanagsanyahay wakhtiyadaa hore in ay mashaqadani dad soomaaliyeed oo islaamnimo sheeganaya ka dhex dhacdo, waxa ay beeninaysaa in wacyiga bulshada ee maantu ka wanaagsanyahay midkii barrigaas.

Caasha xannuun, rafaad iyo jidh-dil nooc kasta ah oo ay la kulantay kadib, waa ay geeriyootay. Caasha iyo qoyskeedu waxa ay u baahanyihiin caddaalad iyo in dadkii falkaa bahalnimada ah geystay sharciga la hor keeno. Waxa la inoo sheegay in maydka Caasha iyada oo jawaan ku jirta lagu soo hor tuuray hoygii ay degayd hortiisa oon cidna loo hayn falkaa waxshiga ah, waxa hubaal ah in ay jiraan dad badan oo ka warhaya goobta iyo meesha ay ku sugaynyihiin budhcadda falkaa geysatay haddii aanay laba ogayn marka horeba. Waa suurtagal in ay jiraan dad kale oo badan oo dhulkaas jooga ama ka ag dhaw oo garanaya nimanka falka geystay lakiin qarinaya oo u qarinaya qaraabanimo ama ehelnimo. Walaaleyaal damiirka iyo dadnimadu hayna shaqayso oo yaynaan qarsan arxan laaweyaal bilaa damiir ah oo dadnimo iyo diintoona lahayn.

Caasha iyo qoyskeedu ha helaan caddaalad.

W/Q Abdikarim.M Daud

LEAVE A REPLY