DAAWO: Warbixin ku saabsan weerar lagu qaaday masjid ku yaala xaafadda Bærum ee dalka Norway.

0
17

Iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyey wadamada reer galbeedka ay ku soo badanayeen weerarada ku salaysan islaam nacaybka isla markaana lala beegsado goobaha cibaadada, ayaa gelinkii dambe ee maanta Nin ku hubeysnaa qoryaha sida daran dooriga u dhaca waxa uu weerar ku qaaday Masjidka Al-Nuur Islamic Senter oo ku yaala Xaafadda Bærum isla mar ahaantaana 15-daqiiqo u jirta magaalada Oslo ee dalka Norway.

Ninka weerarka fuliyey ayaa la sheegay inuu yahay nin dhalinyaro Norwegian-ah, wuxuuna weerarka geystay xili la sugayay Salaada Casir, isla markaana masaajidka ay ku sugnaayeen tiro aan badnayn oo jameecada masaajidka ka mid ahayd.

Weerarkaasi argagixiso ayaa sababay dhaawaca nin da’ahaan lagu qiyaasay 70-jir u dhashay dalka Pakistaan, kaasoo dhaawaciisa loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada wadanka waana dhaawac fudud oo aan halis badan lahayn.

Ninka falka weerarka ah fuliyey oo qorshihiisu ahaa inuu laayo dhammaan dadkii ku jiray gudaha masaajidka ayaa dadaal ay kala hortageen jameecadii masjidka waxaa u suuragashay inay gacanta ku dhigaan isaga iyo hubkii uu watay, waxaana goobta gaaray ciidamada Baliiska oo lagu wareejiyey ninkii iyo hubkii uu watay, kaasoo haatan ay su’aalo waydiinayaan Ciidamada Amaanka.

Sheedda kale falkaasi argagaxa lahaa markii uu dhacay kadib waxaa ii suuragashay in aan wax ka weydiiyo dhacdadaas Madaxa Arrimaha Bulshada Masjidka Towfiiq Islamic Senter Maxamed Amiin C/wali Cali Faarax (Jirib), kaasoo ugu horayn ugu baaqay inay dadka isdajiyaan isla markaana waxba aan iska badalin jadwalkii salaada ciida, marka laga reebo cimilada oo is badal ku yimid taasoo suurtagal ka dhigi waysay in goobtii hore loo shaaciyey in lagu dukado, badalkeedana ku wargeliyey in salaada lagu dukan doono gudaha Masaajidka Towfiiq Islamic Senter, maalinta barito ah oo ku beegan maalinta koowaad ee Ciidul Adxa.

Ugu danbeyntii weerarkan ayaa imaanaya xili lagu guda jiro Farxada Maalmaha ciidul Adxa ayaa muslimiinta ku dhaqan guud ahaan dalka Norway ay dhacdadan ku abuurtay walwal iyo cabsi xoog leh, waxayna masaajidada bilaabeen feejignaan ay ku xoojinayaan amaanka masaajida.

Madaxa Wararka Somalibile.com

Salaad Daacad.

Oslo-Norway.

LEAVE A REPLY