DAAWO: TAHNIYAD AROOS FARXAD LEH ISMAIL FIDOW FARAH IYO RAMLA AHMED ABDULLE.

0
14

Waxaa halkaan hambalyo aroos farxad leh oo aan qoraal kooban lagu soo koobi karin si wada jira u diraya Aabe Fidow Farah Hersi, Aabe Ahmed Abdulle Kaahiye, Hooyo Bahsan Cismaan Shuuke, Hooyo Cadar Hersi Fiidow, waxayna hambalyadan u dirayaan Boqorka Ismail Fidow Farah iyo Boqorada Ramla Ahmed Abdulle oo Arooskoodu ka dhacay magaalada Bergen ee dalka Norway habeenimadii xalay oo ay taariikhdu ku beegneed 17/08/2019.

Waxaa si lamid ah hambalyo u diraya Carruuska Ismail Fidow Farah iyo Carruusada Ramla Ahmed Abdulle guud ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bergen oo si aan kala har la’ahayn habeenimadii xalay uga wada qeyb galay munaasabadda Arooskaasi.

Waxay Arooska Cusub leeyihiin rabbi ha idinka dhigo kuwii ku nasta kuna waara farxad iyo reyn-reyn ALLE-na ha idinku manaysto barwaaqada guurka ee wiil iyo caano iyo gabar iyo caano.

“Gacal iyo sokeeyaba guurkiina lagu farax, guurkiinu guur khayr, gurigiina guri nagi guulllow ka yeel”.

Aamiin…..Aamiin…..Aamiin….Aamiin.

HALKAN HOOSE KA DAAWO QAAR KA MID AH SAWIRADDA AROOSKA IYO MUUQAAL KOOBAN.

LEAVE A REPLY