DAAWO SAWIRADDA: Dibadbax looga soo horjeedo weerarkii masaajidka Bærum oo ka dhacay magaalada Oslo.

0
14

Bannaanbax ballaaran ayaa maalintii Arbacada ee shalay waxaa lagu qabtay afaafka hore xarunta Baarlamaanka oo ku yaala magaalada Oslo ee dalka Norway, halkaasi oo ay isugu imaadeen boqolaal dadweyne ah una badanaa dadka cadaanka ah ee aan Muslimka ahayn isla markaana ay hogaaminayeen qaar ka mid ah xisbiyadda wadanka iyo hay’adaha u dhaqdhaqaaqa arrimaha bani’aadanimadda.

Dadka bannaabaxan soo qaban qaabiyay oo ahaayeen dhinacyadda kala duwan ee Xisbiyadda ka jira  dalka Norway iyo hay’adaha xuquuqul insaanka, ayaa waxaa ujeedka bannaabaxooda uu ahaa inay muujiyaan sida ay kaga xun yihiin weerarkii 10-ka Bishan aynu ku jirno lagu qaaday masaajidka Bærum oo qiyaas ahaan 15 daqiiqo u jira magaalada Oslo.

Dadka bannaabaxa ka qeyb galay ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin ereyo ka dhan ah dadka Cusuriyiinta, isla markaaana ay ku muujinayeen taageeradda ay u hayaan dadka islaamka ay ku wada nool yihiin dalka Norway.

Marian Hussein oo ka mid ah xisbiga SV isla markaana si KMG ah horay uga mid noqotay Baarlamaanka dalka Norway ayaa sheegtay in bannaanbaxa looga hadlayay nacaybka Cunsuriyiintu ay u qabaan dadka Islaamka iyo kuwa madowga ah, iyadoo tilmaamtay inay wadaan qorshe Baarlamaanka lagu horgeynayo si wax looga qabto dadka islaam nacaybka ee muddooyinkii dambe soo badanayay.

Sidoo kale Faa’iso Cabdi Warsame oo ka mid ah Soomaalida ku nool magaalada Oslo isla markaana bannaanbaxaasi hadal kooban ka jeedisay ayaa si dareen leh uga warantay dhacdo sanadkii hore laba qof nin iyo naag oo cunsuriyiin weerar ceeji ay u adeegsadeen ay ku qaadeen, hase yeeshee nasiib wanaag ay si dirqi ah kaga bad-baaday kadib markii ay isku dayeen qolyahaas cunsuriyiinta ahi inay dilaan sida ay tiri.

Si kastaba ha ahaatee bannaanbaxan ayaa imaanaya 5-maalmood kadib markii wiil dhalinyaro Norwegian ah kuna hubeysnaa qoryo isku dayay inuu laayo qaar ka mid ah Jameecadda Masaajid ku yaala xaafadda Bærum, hase yeeshee laga hortagay qasaaruhuna ku koobmay dhaawaca nin 70 jir la sheegay inuu u dhashay dalka Pakistaan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA DIBADBAXA.

W/Diyaariyey: Madaxa Wararka Somalibile.com

Salaad Daacad.

Oslo-Norway.

LEAVE A REPLY