DAAWO:- ISKUUL LAGA FUREY NAKIVALI.

0
93

Xaflad aad u qiimo badneyd oo lagu furay Nakivale Islamic Primery School ayaa maanta ka dhacdey xerada qaxootiga Nakivali ee dalka Uganda.

Xaflada furitaanka dugsigan ayaa waxa ka soo qayb galey xubno kamid ahaa gudiga maamulka Soomaalida Nakivali, gudi culumo oo ka socotey masjidka Tawxiid ee magaalada Kampala kuwaas oo ah masuuliyiinta dhistey dugsigan oo shacabka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabeen dad weyne iyo waalidiin tiro badan oo dhamaantood ku faraxsanaa furitaanka Iskuulkan.

Imaamka Masjidka Towxiid Sheekh Maxamed Sheekh Cabdiweli oo hogaaminayey gudiga culumada ee Kampala ka imaadey oo xaflada ka hadley ayaa sheegay in markii la arkey baahida ay u qabaan in ay helaan caruurta Soomaaliyeed ee ku nool Nakivali Iskuul tayo leh oo laga barto waxbarasho isugu jirta diini iyo madani islamarkaana lagu baro ilmaha tarbiyada wanaagsan in iskuulkan ay u dhiseen ilmaha Soomaaliyeed.

Sheekh Maxamed Sheekh Cabdiweli ayaa intaa ku darey in mar walba ay ku dadaalayaan in dadka Soomaaliyeed ay ka caawinayaan baahiyaha aas-aasiga ah ee nolosha sidoo kalena ay ku tala jiraan in ay u sameeyaan isbitaal yar. Waxa uuna sheekhu u soo jeediyey waalidiinta in ay garab siiyaan maamulka iyo macalimiinta iskuulka oo ay la shaqeeyaan.

Guddoomiyaha gudiga maamulka Soomaalida Mudane Maxamed Ismaaciil Dalmar oo ka hadley xaflada ayaa sheegay in iskuulkan uu yahay mid baahi weyn ay u qabeen shacabka Soomaaliyeed isaga oo uga mahadnaqey culumada iyo cid walba oo garab ku siisey dhismaha dugsigan maanta xariga laga jarey, waxa uuna gudoomiyihu intaa raaciyey in gudiga maamulka Soomaalidu uu la shaqeyn doono.

Xaflada oo aheyd mid heer sare ah ayaa waxaa kale oo ka hadley masuuliyiin iyo waalidiin oo dhamaantood si weyn oo farxadi ku jirto u soo dhaweeyey iskuulkan iyaga oo sheegay in ay si wanaagsan u garab istaagayaan maamulka iyo macalimiinta Iskuulka.

Maamulaha Nakivale Islamic Primery School, Mr. Micho Davis ayaa sheegay in ay la dagaalayaan jahliga islamarkaana ay soo saari doonaan ardey waxbarasho tayo leh oo mustaqbalka is anfacda.

Waftiga Culumada ah ee Kampala uga imaadey furitaanka iskuulkan oo ay galiyeen wakhti, dhaqaale iyo maskaxba ayaa waxaa kamid ahaa Sheekh Maxamed Sheekh Cabdiweli, Sheekh Axmed Cabdullaahi, Sheekh Maxamed Cismaan Maxamed, Maxamed Siyaad iyo gudoomiyaha Dalada Macalimiinta quraanka Kampala Cabdiqani Maxamed Cali.

Culumada maamusha Masjidka Towxiid ee magaalada Kampala ayaa mar walba garab taagan dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatooyinku soo wajahaan meel ay joogaanba waxa ayna gacan ka geystaan Masiibooyinka ka dhaca gudaha dalka iyada oo ay qori doonto taariikhda Soomaaliya oo ay baal dahab ah ka geli doonaan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA SAWIRADDA:-

 

W/D. Mohamed Farah Duurgal.

LEAVE A REPLY