Colaada maamulka jubaland iyo isbadal doonka oo waji kale yeeshay.

0
26

Waxaa Kismayo weli ka jira Xiisad Culus oo la isku indho tiray hadii aan wax laga qabana ay macquul tahay inay saameyn yeelato.

Waxay Odayaal iyo Waxgarad ay ku dhex jireen Arintaan oo qaarkood magaalada Nayroobi kaga yimaadeen isku soo dhawaanshiyaha Axmed Madoobe iyo garabka Isbadel doonka.

Wararka ayaa sheegaya in C/naasir Seeraar iyo C/rashiid Xiddig ay ganafka ku dhufteen in la hor fadhiisiyo Axmed Madoobe oo loogu geeyo Madaxtooyada.

Waxay sheegeen in Jubbaland uusan sii hogaamin Karin madaxweynaha dhawaan la caleemo saaray Axmed Madoobe, iyagoo ku dhaleeceeyey in Hormar ballaaran jirin intuu xilka hayey.

Odayaasha Dhaqanka waxay sheegeen inay dareemayaan quus iyo rajo beel maadaama Isbadel doonka Jubbaland ay sameeyeen meel ku dhag ah inaysan Axmed La heshiin doonin inta uu xukunka sheeganayo.

Madaxdii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ku hungoobay inay heshiisiiyaan Axmed islaam Madoobe iyo Qolyaha Isbadel doonka Jubbaland.

Seeraar iyo Xiddig ayaa mid walbo sheegtay inuu yahay Madaxwyenaha Sharciga ee maamulka Jubbaland, hadana Siyaasad ahaan waa ay is taageersan yihiin waxaana ay kasoo horjeedaan Axmed Madoobe.

LEAVE A REPLY