Ciidamo taabacsan madaxweyne xaaf oo loo diiday in gudaha u galaan Caasimada Galmudug

Wararka k imaanaya magaalada DHUUSE-MAREEB ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan madaxweyne xaaf laga horjogsaday in ay gudaha usoo galaan magaaladaasi .

Ciidamadaani oo doonaya in ay difaacaan madaxweyne xaaf ayaa la sheegaya in ay isku heyb yihiin isla markaan ay doonayaan in ay gudaha u galaan dhuusmareeb.

Lama oga ilaa hada in ciidamadan uu dalbaday Madaxweyne Xaaf iyo in kale, waxaana ciidamadan ay joogaan hada deegaan banaanka ka ah Dhuuso Mareeb, iyadoona masuuliyiin iyo odayaal la socday loo ogolaaday in ay galaan magaalada Dhuuso Mareeb.

Magaalada Dhuuso Mareeb waxaa ku sugan Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo, waxa uuna halkaasi kawadaa dadaalo meesha looga saarayo Madaxweyne Xaaf oo waqti kororsi jeebkiisa ah ku dhawaaqay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*