Home Ciyaaro Chelsea oo ku guuleysatay UEFA EUROPA LEAGUE kadib xasuuq ay u geysatay...

Chelsea oo ku guuleysatay UEFA EUROPA LEAGUE kadib xasuuq ay u geysatay Arsenal.

35
0

Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa ku guuleystay xilli ciyaareedkan 2018-19, koobka Europa League kaddib markii ay 4-1 ku garaaceen caawa kulankii Final-ka ahaa naadiga Arsenal.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Chelsea iyo Arsenal ku kala nasteen barbaro 0-0 ah.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Chelsea ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu Olivier Giroud ka dhigay 1-0 daqiiqadii 49-aad, waxaana ka caawiyay Emerson.

Daqiiqadii 60-aad Pedro Rodriguez ayaa niyadjabiyay taageerayaasha kooxda Arsenal wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Eden Hazard.

65 daqiiqo Eden Hazard ayaa markale wadno qabad ku noqday Arsenal kaddib markii uu dhaliyay gool rigoore ahaa, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-0.

Laakiin Alex Iwobi oo ciyaarta qeybtii labaad badal ku soo galay ayaa daqiiqadii 69-aad ee ciyaarta ka dhigay 3-1, iyadoo taageerayaasha Gunners ay yeesheen rajo ku aadan inay soo laaban karaan.

Laakiin 72 daqiiqo Eden Hazard oo caawin qurux badan ka helay Olivier Giroud ayaa wuxuu hurdo dheer u diray taageerayaasha kooxda Arsenal , kaddib markii uu ciyaarta ka dhigay 4-1.

Ugu dambeyntii kooxda Chelsea ayaa sidaas guul weyn ee 4-1 ah kaga gaartay naadiga Arsenal, gacanta ku dhigtay Europa League.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here