Warar

Madaxweynaha Jubaland oo dowladda dhexe ugu baaqay in la dhameeyo khilaafka labada dhinac.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo dhowaan taageerayaashiisu u doorteen xilkaas ayaa qoraal xasaasi ah u soo diray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo. Qoraalkan oo ku taariikheysnaa 28 bishan oo shalay ku beegneyd ayaa looga codsaday Madaxweyne Farmaajo in la dhameeyo khilaafka dowlada dhexe iyo madaxda Jubbaland, iyadoo la tixgelinayo xaaladaha ka taagan dalka. Dowlada Somalia ayaa horey u ...

Read More »

Air Uganda oo duulimaad toos ah ka bilowday Muqdisho iyo Kambala.

Shirkadda Diyaaradaha ee Air Uganda ayaa Maanta oo Khamiis ah duulimaad toos ah ka billowday Soomaaliya gaar ahaan Caasimadda Muqdisho. Xaflad lagu daahfuray duulimaadka ay Diyaaradda Uganda Airlines ka sameyn doonto Magaalooyinka Muqdisho iyo Kampala ayaa Saaka lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport. Daah furka waxaa ka qayb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiiru ...

Read More »

Xildhibaan Fiqi oo si kulul kaga hadlay go’aan dowladda dul dhigtay diyaaradaha u socda Kismaayo.

Siyaasadda waa lagu kala aragti duwanaan karaa waana arrin ka dhexeysa siyaasiyiinta laakin macquul ma ahan in dawladda Soomaaliya magaceeda lagu ciqaabo dad Soomaaliyeed. Go’aanka madaxda Dawaldda Soomaaliya oo ka caraysan doorashadii Jubaland ee loogaga awood roonaaday ee leh muuqaalka aargoosiga ma ahan wax qabta shacabka Soomaaliyeed ee Jubaland ku dhaqan iyo kuwa halkaas u safraya, diyaaradaha Kismaayo tagaya ama ...

Read More »

Khilaaf ka dhex oognaa hogaanka Ahlsunna oo la xaliyey

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in ay fashilmeen dadaallo ay waday dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Odayaasha dhaqanka Dhuusamareeb oo lagu xalinaayay tabashadda Ahlusunna. Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya u xilsaartay in uu wadahal la galo Ahlusunna si loo dejiyo Xiisadda Magaalada ka taagan. ...

Read More »

Xaaf oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Hobyo.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hobyo ayaa sheegaya inuu halkaasi gaaray madaxweynaha maamulka Galmudug isagoo waqtigiisu dhammaan la eryey Axmed Ducaale Xaaf. Safarka Xaaf ee degmada Hobyo ayaa ahaa mid lama filaan ah oo aan hore loo qorsheyn, wuxuuna ku sugnaa magaalada Muqdisho tan iyo intii uu heshiiska qasabka la galay dowladda federaalka Soomaaliya, kadibna masuuliyadii ku wareejiyey xukuumadda Soomaaliya, ...

Read More »

TOP-NEWS: Ciidamo Itoobiyaan ku hubeysan Taangiyo oo ku sii jeeda magaalada Dhuusa-mareeb.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay shabakadda Somalibile.com ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan aad u fara badan kuna hubeysan taangiyo inay ku sii jeedaan magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud. Sida xogta warkani uu tilmaamayo ciidamadan ayaa la sheegay ujeedkooda ay magaalada Dhuusa-mareeb ugu dhaqaaqeen ay tahay dagaal ay la galaan ciidamada daacada u ah maamulka Ahlunna-Waljameeca oo muran xoogan ...

Read More »

Saddex qof ayaa ku geeriyootay 11 kalena way ku dhaawacmeen roob ka da’ay Hargeysa.

Inta la xaqiijiyey 3-ruux ayaa ku naf wayday tiro 11 kalena way ku dhaawacmeen roob xoogan isla markaana dabaylo watay galabta ka da’ay Magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland. Dadkaan ayaa ku dhintay Roobkii da’ay saacadihii u dambeeyay magaalada Hargeysa, sidoo kale dad badan ayaa ka baxay guryihii ay daganaayeen kadib markii ay biyuhu ugaleen. Dadka ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay ...

Read More »

Dood ka taagan canug habeen dhalan oo lasoo dhigay wadada dhinaceeda.

Sida ay sheegeen dadka Deegaanka waxaa hadal heyn xoog leh ay ka dhalatay cunug xalay dhashay oo wadada dhinaceeda lasoo dhigay. Saaka aroortii ayaa waxa arkay Cunugaan oo ah gabar yar Islaan waayeel ah oo qaadatay gurigeedana la aaday. Balse waxaa dhacdadaan oo Suuqa Miijiska Degmada Yaaqshiid meel udhaw lagu arkay ay sababtay Buuq iyo jawi kacsanaan ah. Waaga markii ...

Read More »

Ahlusunna oo dib u celisay kolonyo ciidamo ka tirsan AMISOM.

Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti laga celiyay degmo ka tirsanaa Gobolkaas. Ciidamo ka tirsan Ahlusunna ayaa waxaa la sheegay in Kolonyada ay la socdeen Ciidamada AMISOM oo ka soo baxay Magaalada Baladweyne ay ku celiyeen deegaan lagu magacaabo Janta Guundisho oo ka tirsan Gobolka Hiiraan. ...

Read More »

 Cabdi Qeybdiid oo dhaliil culus u jeediyey madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Waxaa maanta ka furmay Magaalada Garowe Shir looga hadlayey Arimaha Dastuurka Dalka, iyadoo Khudbad uu halkaasi ka jeediyey Hogaanka Gudiga Dib U eegista Dastuurka Labada Aqal Ee Dalka. Gudoomiyaha Gudigaasi Cabdi Xasan Cali (Qeybdiid) ayaa waxa uu dhaliilay sida ay Madaxda Dawlada Dhexe uga gaabiyeen doorkii ay Dastuurka iyo Dib U Eegistiisa uga qeyb qaadan lahaayeen. Waxa uu Senetor Cabdi ...

Read More »