Warar

Wararkii ugu dambeeyey qarax miino oo ka dhacay gobolka Sh/hoose.

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in galinkii danbe ee shalay Qarax miino ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka. Inta la xaqiijinayo Labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku geeriyooday qarax miino loogu aasay wadada meel dulleedka ah deegaanka lagu magacaabo Sabiid ee gobolkaasi, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka ...

Read More »

Guddoomiyaha cusub ee Bankiga dhexe oo xilkii la wareegay.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Bankiga Dhexe ee Somaaliya ayuu maanta Xilka si rasmi ah kula wareegay Guddoomiyaha Cusub ee Bankiga Dhexe, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka. Guddoomihii hore ee Bankiga Dhexe, Bashiir Ciise oo ka hadlayay  waxyaabihii usoo qabsoomay Bankiga dhexe sanadiihi la dhaafay ...

Read More »

Ilmo yar oo markii uu dhashay laga xaday isbitaalka SOS oo la helay.

Qaar ka mid ah Eheladda Qoyskii looga xaday canuga yar cisbitaalka SOS Jimcihii doraad ayaa ciidanka Booliska ku guuleystay in ay soo qabteen Haweenay la sheegay in ay xaday Cunuga yar. Mas’uul ka tirsan maamulka degmada Hilwaa ayaa dhankooda sheegay in Ciidanka Ammaanka ay xireen dhowr qof oo lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen falkaan, islamarkaana la geeyay xarunta Ciidanka ...

Read More »

In ka badan 130-qofood oo ku dhimatay qaraxyo sil-silado ah oo ka dhacay Sri landka.

Qaraxyadaas oo gaaraya ilaa Lix ayaa ahaa kuwo  aad u waa weyn,waxaana ay Maanta ka dhaceen kaniisado iyo iyo hoteello ku yaalla Magalada Colombo oo ah Caasimada dalka Sri Lanka. Xilluiga ay qaraxyada dhacayeen ayaa waxaa lagu jiray ciida Masiixiga,waxaana sigaar ah ay uag dhaceen kaniisdo iyo Hoteelo ku yaalla degmooyinka Kochchikade, Katuwapitiya iyo Batticaloa, sida ay shaacinayeen warbaahinta Caalamka ...

Read More »

Kheyre oo beeniyey inuu awood u adeegsado mucaaradka dowladda.

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa been abuur ku tilmaamey in Xukuumadda Soomaaliya ay awood u adeegsato mucaardka aan hubeysneyn ee kasoo horjeeda dowladda soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha oo wareysi siiyey tv-ga Universal ayuu sheegay in amarka dowladnimo uu yahay in markii la doonayo in dhaqaalaha horumarin lagu sameeyo la fogaado musuq maasuqa, taasina ay hormuud u tahay la-xisaabtanka ...

Read More »

Aas-qaran oo Garoowe loogu sameeyey guddoomiyihii hore Baarlamaanka Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa galabta ka qayb-galay aas-qaran oo loo sameeyey Marxuum Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo Puntland kasoo qabtay xilal muhiim ah, Xildhibaan Baarlamaanka Puntland muddo 15 sano ah, Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Puntland 2009-2014, iyo Wasiirkii Wasaaradaha Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta iyo Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda 2014-2019. Aaska qaran ee loo ...

Read More »

Maxaadan ogayn oo ka socda magaalada Nayroobi oo ay ku sugan yihiin….

Magaalada Nayroobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa ka socda kulan ay leeyihiin Madaxda maamul goboleedyadda Galmudug, Puntland iyo Jubbaland. Kulamaddaan ayaa looga hadlaya Xaaladda dalka, waxaana ay sidoo kale ka hadlayaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Madaxda maamul goboleedyadda iyo soo celinta Shirarkii Madaxda maamul goboleedyadda. Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Nayroobi, ...

Read More »

Madaxweyne Xaaf oo kullamo culus ka wada magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle oo safar howleed ku jooga magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa la kulmay safiirka dowladda UK u qaabilsan Soomaaliya Ben Fender. Kulankooda waxay diirada ku saareen xaaladaha cakiran ee Soomaaliya iyo sida loo wajihi karo iyo dowladda UK ay mashaariic horumarineed ka fuliso Galmudug. Madaxweynaha Galmudug ayaa qeyb ka ah Madaxda maamul goboleedyadda ...

Read More »

Wasiir Goodax oo ku adkeysanaya go’aankii uu ugu hanjabay Ardayda Puntland.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya ayaa wali ku adkeysanaya Go’aankii uu ugu hanjabay Ardayda iyo Waalidiinta kunool maamulka Puntland oo ku aadanaa in aysan heli doonin Shihaadada dowladda. Maanta ayuu kulan la qaatay Xildhibaanada Aqalka Sare ee laga doortay degaanada maamulka Puntland, waxaana uu ku adkeystay in ay ka go’an tahay in uu dhaqan galo go’aankii kasoo baxay Wasaaradda. Waxaa uu ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo safar aan horay loo sii qorsheen ugu ambabaxay Sacuudiga.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradda Aadan Cadde ee Magalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda magaalada Riyadh ee dalka boqortooyadda Sacuudiga. Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Kheyre ayaa ka mid ah wafdiga Madaxweynaha, waxa uuna safarkani yahay mid aan horay loo sii qorsheen oo si deg deg ah ...

Read More »