Warar

Warbaahinta Al-shabaab oo soo bandhigay ergadii soo dooratay xildhibaan iyo wasiir caan ah.

Iyadoo Alshabaab ay wado olole ay ku diiwaangelineyso ergada dooratay xildhibannada Baarlamaanka Federaalka, kadib markii ay waqti u qabteen ayaa soo bandhigtay qaar ka mida ergadii soo dooratay xildhibaan iyo wasiir caan ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Warbaahinta Alshabaab ayaa codad kasoo duubtay 6 ka mida Ergadii soo dooratay xildhibaannadii soo xulay Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow oo noqday wasiir ...

Read More »

DHIBAATOOTINKA QURBAHA IYO BAR-BAARINTA UBADKA (QALINKA ABDUL).

“Ma waxaa haboon in dab la damiyo, mise in laga hortago inuu dab dhaco”. Murugo waalidka uga weyn ma jirto in ubadkiisa laga qaado isaga oo nool, iyada oo weliba loo aanaynayo in waalidku gabay ama kasoo bixi waayay bar-baarintii iyo daryeelkii ubadku xaqa u lahaa. Waxaan in dhawaalahanba aan si dhaw ula socday baryahan dhacdo murugo iyo amakaag lahayd ...

Read More »

Hooyo Soomaaliyeed oo carruurtii laga qaatay lana doonayo in la musaafuriyo.

  Rooda Cawil Daahir waa Hooyo Lix Caruur ah oo ay dhashay isla markaana kan ugu weyn carruurteeda uu jiro 17 sanno, halka kan yarna 4 jir yahay, carruurtaasoo looga qaatay Denmark. Sida wararku ay sheegayaan carruurteeda waxa la sheegay in dad kala duwan oo u dhashay dalkaasi loo qaybiyey si ay uga qeyb qaataan korinta carruurtaas. Qof ka mid ...

Read More »

Cabsi xoogan oo soo food-saartay Soomaalida ku nool Koonfur afrika.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Koonfur Afrika ayaa waxaa soo food-saartay xaalad cabsi ah xili qaybo kamid ah waddankaasi ay ka socdaan rabshado iyo boob lagu beegsanayo xarumaha ganacsatada ajaaniibta ah. Booliska ayaa xaqiijiyey in qulqulatooyinkaasi oo salka ku haya naceybka soo galootiga lagu dilay illaa iyo shan ruux, kuwa kalena lagu dhaawacay, isla markaana ay u soo qabqabteen ...

Read More »

Sanbaloolshe oo Qoraal uga jawaabay Wareysigii muranka dhaliyey.

Asc dhaamaan aqyaarta halkaan ku jirta. Waxaan rabaa in halkaan ka sameeyo point of clarification oo ku saabsan wareysi aan siiyay Dalsan TV oo abuuray buuq iyo qilaaf fara badan guud ahaan Soomaalida dhexdeeda gaar ahaan baraha bulshada. Waxaan cadeynayaa in aan ku hadleynin magac Xisbi iyo mid qolo kale toona. Waxaan cabiraayey fikirkeyg shaqsiga oo kaliya. Waxaan ka xumahay ...

Read More »

Al-shabaab oo soo bandhigay agaasimihii hore madaxtooyadda Hirshabeelle.

Al-shabaab ayaa Maanta soo bandhigtay Agaasimihii hore ee Madaxtooyadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle Xasan Cumar Axmed Xasan Mahdi. Al-shabaab ayaa Agaasimihii hore ee Hirshabeelle ku soo bandhigtay Gobolka Hiiraan, kaasi oo Agaasime u ahaa Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare lana soo shaqeeyay Madaxweynihii hore ee maamulkaas Cali Cabdullaahi Cosoble, balse markii dambe uu shaqada isaga tegay. Sidoo kale Xasan Cumar Axmed ...

Read More »

Wafdi uu hogaaminayo RW Kheyre oo si qurux badan loogu soo dhaweeyey Dhuusa-mareeb.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kharye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga, xildhibaano labada gole ka socda, madaxa fulinta Galmudug, saraakiil ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Ra’iisul Wasaaraha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo socdaalkiisa ...

Read More »

Wararkii ugu dambeeyey laba qarax oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wabixin dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxaysaa qarax labaad kaasi oo loo adeegsaday Mooto Bajaaj kana dhacay xaafadda Tawqiif degmada Yaqshid ee magaalada Muqdisho, kadib markii qarax kan ka horeeyey barqanimadii maanta uu ka dhacay Ex-koontarool Afgooye goob aan ka fogayn bar koontarool ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda. Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo ...

Read More »

Muungaab “Wadooyinka dhagax in lagu xiro way ka gudubtay waxay joogtaa in ganjeelo lagu xiro”.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Cadaaladda Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ka hadlay culeysyada dadka Magalada Muqdisho ka heysta dhinaca isku socodka iyo saameynta ay reebeen jidadka xiran. Waxa uu sheegay in Gaadiidka noocyadiisa kala duwan gaar ahaan kuwa kasoo baxa dekadda Muqdisho ay ku qaadato in uu tago suuq Bacaad ama Bakaaraha mudo Saddex Maalmood ah, ...

Read More »

Mid ka mid ah wasiiradda ugu fashilsan xukuumadda Kheyre oo xilka laga qaadayo.

Siyaasiyiinta iyo duubabka dhaqanka Beesha Mudulood ayaa wada qorshe ay ku doonayaan in xilka looga qaado Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale. Dadka horkacaya Qorshahan looga shaqeynayo sidii Wasiir Isloow xilka looga xayuubin lahaa ayaa ku sheegtay sababta ay arrintaan u horboodayaan iney tahay in wasiir Isloow uu hilmaamay dadkii uu metalaada uu Kursiga ugu fadhiyay, islamarkaana ...

Read More »