Warar

Taabid Cabdi oo si kulul uga hadlay go’aankii wasiir Goodax uu ku joojiyey imtixaankii socday.

Guddoomiyihii hore ee Gobolkan Banaadir ahaana duqa Muqdisho ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Awooda Shacabka Taabit Cabdi Maxamed ayaa si kulul uga hadlay Go’aankii Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya uu ku joojiyey Imtixaankii socday iyo banaanbaxyadii ay dhigeen Ardayda. Taabit Cabdi waxa uu sheegay in nasiibdarro ay tahay waxa ku dhacay Ardayda Soomaaliyeed oo ah mustaqbalka Berito ee dalka, waxaana uu u rajeeyey Wasaaradda ...

Read More »

Senator Muuse Suudi iyo Madaxweyne Xaaf oo ka wada hadlay maqaamka Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maalmahaan ku sugan Magalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa uu kulan la qaatay Senator Muuse Suudi Yalaxoow oo ka mid ah Mudanayaasha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kulanka ayaa ahaa mid ay iska xog-wareysteen xaalada dalka,waxaana Senator Muuse Suudi uu Madaxweyne Xaaf ku amaanay dadaalkiisa ku aadan difaacida qadiyada ...

Read More »

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb galay dalka Sweden.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalay Madasha lixaad ee Stockholm ee Nabadda iyo Horrumarka oo laga furay Magaalada Stockholm ee dalka Sweden, iyada oo ay ka qeybgalayaan tiro ballaaran oo ah siyaasad sameeyeyaal, cilmi baarayaal iyo dad xirfad sare leh. Madasha oo sanadle ah, qaban-qaabadeeduna uu leeyahay Machadka Caalamiga ee Stockholm ee ...

Read More »

Wasiir Goodax oo mar kale aflagaado kala dul-dhacay Ardeyda Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa markale u gafay Ardayda Soomaaliyeed ka dib markii uu sheegay dadkii maanta Wadooyinka ku banaanbaxayay in aysan aheyn Arday. Wasiir Goodax ayaa sheegay in uu isku dayay in uu la hadlo qaar ka mid ah Ardaydii Banaanbaxa waday,laakiin ay kala hor yimaadeen dhagaxaan iyo dagaal, islamarkaana ay suurtoobi weysay in ...

Read More »

Wasaaradda Waxbarashada iyo Dalladaha oo ka shiray Cabashada Ardayda.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xukuumada federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxda dalladaha waxbarashada ayaa si wadajir aqalka dowlada hoose ugu qabtay Shir kusaabsan arimaha imtixaanadka dalka. Masuuliyiinta ayaa Waxa ay ugu baaqay Ardayda dugsiyada sare iney ku noqdaan schooladooda islamarkaana 27 bishaan u diyaar garoobaan qaadista imtixaanadka sanad dugsiyeedka 2018/2019. Masuuliyiinta ayaa tilmaamay in Dowlada Soomaaliya ay marwalba u taagan ...

Read More »

Xisbiyada mucaaradka dalka oo bayaan ay ku mideysan yihiin soo saaray.

War-Saxaafadeed ay Maanta siwadajir ah u soo saareen Shan ka mid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa waxaa ay ku cadeeyeen mowqifkooda ku aadan nooca doorasho ay ka dhaceysa dalka markii uu waqtigooda dhamaado madaxda Dowladda Soomaaliya. Xisbiyada UPD, Ilays, NPP, Wadajir iyo NDP ayaa waxaa ay soo jeediyeen in nooca doorasho ee la filayo inay dalka ka ...

Read More »

ABWAAN CABDI HURDAAYE OO WARIYE DUURGAL UGA SHEEKEEYEY QISOOYIN YAAB LEH.

Abwaan Cabdi Yuusuf Hurdaaye ayaa maanta iiga sheekeeyey qisooyin badan oo iga yaabiyey, marxaladihii adkaa ee uu soo marey iyo waxyaabihii layaabka lahaa ee uu u soo joogay xilligii uu dalku burburka ku jirey. Abwaanka dhacdo walba oo uu la kulmo waxa uu ka tirinayey maanso, balse mid kamid ah ayaan soo qaadaneynaa. Abwaanka oo subaxaas ka soo baxay gurigiisa ...

Read More »

Wararkii ugu dambeeyey weerar ismiidaam ah oo lagu qaaday xarunta Degmada Warta-nabada.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarunta Degmada Warta-Nabada ee magaalada Muqdisho. Qof naftii halige ah ayaa gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa la beegsaday xarunta Degmada Warta-nabada, iyadoo qaraxaasi uu dhaliyey qasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo waliba burbur xoog leh. Xiliga qaraxa uu dhacayay ayaa la sheegay in goobta ay ku ...

Read More »

Bannaanbax ballaaran loogana horjeedo Wasiir Goodax oo Muqdisho ka dhacay.

Boqolaal ka mid ah Ardayda waxka barata Dugsiyada Sare ee Gobolkan Banaadir ayaa Maanta waxaa ay Magalada muqdisho ka dhigeen banaanbax ay uga soo horjeedaan go’aankii xalay ee uu ku dhawaaqay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya. Wasiirka ayaa xalay shaaciyey in gebi ahaanba la baabi’iyey Imtixaankii Shahaadiga ee Dugsiyada Sare kadib markii Wasiirka uu sheegay in suuqyada lagu kala iibsaday maadooyin ka ...

Read More »

Sh. Maxamed Kaariye “Waxaan u Ogolaaday in Maraykanku La Noqdo Jinsiyadooda”.

Arinka iga soo maray dowladda Maraykanku maaha mid lagu soo Koobi karo qoraalkan, waayo waa Arrin soo jiitamayay 16 sano iyo 8 bilood, sagaal sano oo ka midana aan ku jiray liiska Xayiraadda Duulimaadka. Cinwaanka maqaalkan ayaan ka qaatay talo uu i siiyay barafosoor aanu saaxiib nahay oo igula taliyay inaan u bixiyo buug aan ka qoro qisadayda, waxa kale oo ...

Read More »