Warar

Labada aqal baarlamaanka Soomaaliya oo dalbaday in xayiraadda laga qaado Kismaayo.

Xildhibaano ka tirsan labadda gole ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa si deg deg ah u dalbaday in Xayiraada laga qaado Shacabka kunool magaalada Kismaayo. Xildhibaanada waxa ay ku baaqeen in dowladda Federaalka in si shuruud la’aan xayiraada looga qaado Jubbaland iyo in loo saaro guddi baaritaan ku sameeya waxyeelada bani’aadanimo ee ka dhalatay cunaqabateyn ...

Read More »

Cabsi laga muujiyey xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Dalada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee SONSA oo horan loo oran jiray SOSCENS ayaa waxaa ay walaac ka muujiyeen habka loo maareynayo xaaladaha siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii ka dhacday Magalada Kisamayo Qoraal kasoo baxay Dallada  Bulshada Rayidka ayaa lagu sheegay in khilaafka dowladda Federalka & Dowlad goboleedyada uu markasta sababo dib u dhacyo ku yimaada howlo muhiim ah oo ka mid ...

Read More »

Faah-faahin ku saabsan nabadoon lagu dilay xaafadda Suuq bacaad.

Barqanimadii maanta Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa la sheegay in xaafada Suuqa Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku dileen Nabadoon Caanka ahaa degmadaas. Nabadoonka la dilaya ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Nabadoon C/raxmaa Axmed Cabdulle oo ku magac dheeraa (Nabadoon Qaloosh), waxaana la sheegay in xilliga la dilayay uu fadhiyay goob Ganacsi oo ku taalla meel u dhow Laanta suuq Bacaad, ...

Read More »

Caleema saarkii madaxweynaha Jubaland oo dib u dhac ku yimid.

Wararka naga gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in dib u dhac ku yimid Caleema saarka Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe. 26-ka Bishaan ayaa lagu waday in Caleema saarka uu ka dhaco Magaalada Kismaayo waxaana wararku ay sheegayaan in Guddiga qaban qaabada ay ku dhawaaqeen in dib loo dhigay Xafladda oo laga dhigay horaanta Bisha soo socota. ...

Read More »

Muxuu Yuusuf Garaad ka yiri hadalkii Shariif Sheekh Axmed ee maanta.

Yuusuf Garaad Cumar Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka falceliyay Khudbadii saameynta laheyd uu maanta jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Sheekh Shariif ayuu sheegay in uu yahay Madaxweyne hore, islamarkaana dowladda laga doonaayo in aysan dhayalsan Hadalkiisa oo abuurikara saameyn bulsho. “Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed waxaan hadalkiisa u arkaa mid dib u dhac horseedi kara ...

Read More »

Xasan Sheekh “Farmaajo inuu dalka burburiyo mid aan ka yeelayno maaha…”.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn u soo jeediyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan hogaamiya mid kamid ah xisbiyada dalka ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay maamulida hawada dalka iyo federalka dalka. Xasan ...

Read More »

Xayiraad KMG ah oo la saaray diyaaradaha aada Kismaayo.

Maamulka Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa guud ahaan ku dhawaaqday in la joojiyay diyaaraddaha Aada iyo kuwa ka yimaada Garoonka Magaalada Kismaayo muddo Saddex maalin ah. Maamulka Hey’adda ayaa ku wargeliyay Shirkadaha Diyaaradaha in la hakiyay duulimaadyadii tagi jiray Kismaayo laga bilaabo 23 bishan September illaa 26 bishan, waxaana mudadaas la sheegay in wax duulimaad ah ka degi karin Kismaayo. ...

Read More »

Sheekh Shariif “Farmaajo waxa uu dalka ku wadaa god dheer haddii aan laga hortagina waa mid laga shaleyn doono”.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku xadgudubtay dastuurka dalka. Sheekh Shariif ayaa ku tilmaamay Sababtii loogu diiday Kismaayo mid baalmarsan Sharciga dalka, islamarkaana lagu doonaayay in dastuurka Soomaaliya lagu baalmaro. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ugu yeeray Maamul Goboleedyada, ...

Read More »

Wararkii ugu dambeeyey xanibaadii Shariif Sheekh Axmed oo ku wajahnaa Kismaayo.

Garoonka diaayadadan Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa lagu xanibay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ku wajahnaa Magaalada Kismaayo, iyadoona loo diiday inay u duulaan halkaas. Sheekh Shariif iyo wafdiga uu hogaaminayay ayaa Maanta u ambabixi lahaa Magaalada Kismaayo, halkaas oo uu doonayay inuu uga qeyb galo Xaflada Caaleemo-saarka Madaxweynaha dowlad Goboleedka ...

Read More »

Qarax sababay dhimashada laba qof iyo dhaawaca shan kale oo caawa ka dhacay Muqdisho.

  Warar dheeraad ah ayaa baxaya qarax Caawa ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Xaaji Baasto. Goobjoogayaal ayaa inoo xaqiijiyeen in Qaraxa uu ahaa Mid xooggan. Qof ka mid ahaa dadkii ku sugnaa goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa xaqiijiyay in uu arkay Dhaawaca ku dhawaad Shan ruux iyo Hal qof oo Meyd ah. Goobta uu ...

Read More »