Warar

Farmaajo oo lagu eedeeyey inuu dulmiyey qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa lagu eedeeyey inuu dulmi ku hayo qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed sida ay warbaahinta u sheegtay senator Saciido Xasan oo ka tirsan mudanayaasha golaha aqalka sare ee Soomaaliya. “Farmaajo waxa uu dulmiyey isla markaana hareer maray hab raaca awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed, wuxuuna lunsaday kuraas fara badan oo safiiro ...

Read More »

Dowladda oo loogu baaqay inay u dhaga nuglaato shirka  Hobyo.

Cismaan Maxamed Cali oo horay u soo noqday Wasiirkii hore arrimaha dastuurka maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay u dhaga nuglaadaan shirka beelaha Habardigir uga socda magaalada Hobyo. Wuxuu sheegay Cismaan Maxamed Cali shirka ka socda magaalada Dhuusamareeb iyo kan hobyo inay noqonayaan kuwo is dhinac socda oo midba go’aamo gaar ah ka soo ...

Read More »

Xildhibaan Baashe Muuse oo ka qeybgaley caleemo saarka G.dhalinyaradda Norway.

Iyadoo magaalada Oslo ee caasimada wadanka Norway kusoo gabagaboowday muaasabadda caleemo saarka Guddoomiyaha cusub ee ururka dhaliyaradda Soomaaliyeed ee Dalka Norway Cadnaan Cabdulle Maxamed waxaa ka qeyb galay xafladaas Xildhibaan Baashe Muuse oo ka mid ah xildhibaanadda golaha deegaanka Magaalada Oslo kana tirsan xisbiga Shaqaalaha AP iyo xubno kale oo isugu jiray Aqoonyahano qaarkood ka yimid Sweden, Siyaasiyiin, Haween qaarkood ...

Read More »

mid ka mida muwaadiniinta soomlaiyeed oo dib loogu soo celiyey dalka ayaa la sheegay in lagu kharijiyey muqdisho november 2018

Yuusuf Maxamed Shabelle waa Muwaadin Soomaaliyeed waxa uu dhashay 1991 waxa  gacanta lagu dhigay oo Xabsiga loo taxaabay  oo laga soo qabtay Hurdiya oo  ka tirsan xeebaha puntlanad ee somalia  Bishii September sanadkii 2008  isaga oo 17  jir ah sida ay  inoo xaqiijisay Xabado Yuusuf  Xaaji oo ah Hooyada  Yusuf Maxamed Shabelle sida  aynu wararka ku heyno Yuusuf waxa lagu ...

Read More »

MUNAASABADDA XUSKA 1-DA LUULYO OO BERGEN LAGU QABTAY WARBIXIN+SAWIRO.

Habeenimadii xalay waxaa magaalada Bergen oo ah caasimada labaad ee wadanka Norway lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay  hoolka Biks-ka oo si qurux badan loo nashqadeeyey taasi oo lagu maamuusayey 59-guuradii ka soo wareegtay xorriyada gobolada Koonfureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur, iyadoona ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada sida, Culumaa’udiin, Aqoonyahano, ...

Read More »

Farmaajo oo Koonis Stadium kaga qeyb galay munaasabada 1-da Luulyo.

  Maxamed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kaga qeyb galay garoonka kubada cagta Koonis Munaasabadda 59-guuraddii maalinta xornimada Koonfurta Soomaaliya iyo israacii labada gobol Waqooyi iyo Koonfur 1-da Luulyo boqolaal shacab ah. Farmaajo oo qudbo ka jeediyey ayaa inta badan ka hadlay dadaalka xorriyada iyo midowga labada gobol, isagoo tilmaamay in dadkii xornimada dhaliyey ay ...

Read More »

Reer Cadaado oo cod-dheer ku qaadacay hadalkii Kheyre ee gogosha Dhuusamareeeb.

Kullan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen qeybaha kala duwan bulshada sida Odayaasha, waxgaradka, Aqoonyahanada, Culumaa’udiinka iyo siyaasiyiinta Cadaado ayaa waxa ay cod-dheer ku muujiyeen inay ka horjeedaan hadalkii sida ka fiirsasho la’aanta Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ku iclaamiyey in gogosha shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyo doorashooyinkaba lagu dhigo magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Odayaasha ayaa ku ...

Read More »

Ahlsunna iyo Kheyre oo kala saxiixanaya heshiis ku aadan….

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo urur diimeedka Ahlunna Waljameeca ayaa lagu wadaa inay magaalada Dhuusa mareeb ee gobolka Galgaduud ku kala saxiixdaan heshiis ku aadan in ciidamada Ahlusunna ay ka mid noqdaan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya. Kheyre oo hadda ku sugan deegaanada Xeraale iyo Huurse ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu dib ugu laabto ...

Read More »

Mid ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya oo Muqdisho ku geeriyooday.

Waxaa aroornimadii hore ee saaka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ku geeriyooday ALLE ha u naxariistee Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyaddii ugu caansanaa ee koonfurta Soomaaliya. In kasta oo uu ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii dalka, haddana waxa uu ahaa siyaasi rug cadaa ah kaasoo xilal kala duwan oo heer wasiir iyo Xildhibaanimo ka soo ...

Read More »

Cabdirisaaq Ciise “In ka badan 15 sano ayaan TV-yada kala socdey xuska 26-ka Juun”.

Cabdirisaaq Ciise Aadan oo ka mid ah dadka ay ka muuqato wadaniyada mar walbana ku taama in la helo dowlad xooggan oo dalka dhibka ka saarta ayaa sheegay in rajada dawladnimadu ay tahay mid meel wanaagsan mareysa maanta islamarkaana farxad galineysa shacabka Soomaiyeed ee jecel qaranimada. Mudane Cabdirisaaq ayaa yiri. “In kabadan 15 sano oo aan dibada ku noolaa waxaan ...

Read More »