Maqaalo

mid ka mida muwaadiniinta soomlaiyeed oo dib loogu soo celiyey dalka ayaa la sheegay in lagu kharijiyey muqdisho november 2018

Yuusuf Maxamed Shabelle waa Muwaadin Soomaaliyeed waxa uu dhashay 1991 waxa  gacanta lagu dhigay oo Xabsiga loo taxaabay  oo laga soo qabtay Hurdiya oo  ka tirsan xeebaha puntlanad ee somalia  Bishii September sanadkii 2008  isaga oo 17  jir ah sida ay  inoo xaqiijisay Xabado Yuusuf  Xaaji oo ah Hooyada  Yusuf Maxamed Shabelle sida  aynu wararka ku heyno Yuusuf waxa lagu ...

Read More »

Kaalin noocee ayay ku leeyihiin ganacsatada Amni darada ka jirta Muqdisho..?.

Magaalada Muqdisho waxaa sii kordhaya dilalka iyo qaraxyada ka dhacaya kaasi oo saameynta ugu xoogan ku yeesha dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan. Qaraxyada iyo dilalka ayaa ah kuwa inta badan ay geystaan xoogaga hubeysan ee Al-shabaab kuwaas oo awood muuqata ku leh gudaha caasimada magaalada Muqdisho. Qaraxi ugu dambeeyay ee ka dhacay agagaarka taalada Daljirka ee Magaalada Muqdisho ...

Read More »

ABWAAN CABDI HURDAAYE OO WARIYE DUURGAL UGA SHEEKEEYEY QISOOYIN YAAB LEH.

Abwaan Cabdi Yuusuf Hurdaaye ayaa maanta iiga sheekeeyey qisooyin badan oo iga yaabiyey, marxaladihii adkaa ee uu soo marey iyo waxyaabihii layaabka lahaa ee uu u soo joogay xilligii uu dalku burburka ku jirey. Abwaanka dhacdo walba oo uu la kulmo waxa uu ka tirinayey maanso, balse mid kamid ah ayaan soo qaadaneynaa. Abwaanka oo subaxaas ka soo baxay gurigiisa ...

Read More »

Sh. Maxamed Kaariye “Waxaan u Ogolaaday in Maraykanku La Noqdo Jinsiyadooda”.

Arinka iga soo maray dowladda Maraykanku maaha mid lagu soo Koobi karo qoraalkan, waayo waa Arrin soo jiitamayay 16 sano iyo 8 bilood, sagaal sano oo ka midana aan ku jiray liiska Xayiraadda Duulimaadka. Cinwaanka maqaalkan ayaan ka qaatay talo uu i siiyay barafosoor aanu saaxiib nahay oo igula taliyay inaan u bixiyo buug aan ka qoro qisadayda, waxa kale oo ...

Read More »

ABWAAN CABDI HURDAAYE OO AAN KU SOO DHAWEYNAY XERADA QAXOOTIGA NAKIVALI EE DALKA UGANDA.

Abwaan hurdaaye oo ah Nin Caan ku ah suugaanta Soomaaliyeed ayaa lagu Soo xasuustaa Riwaayadii DAMAC ADDUUN oo uu Abwaanka Sameeyey iyo Riwaayadii ugu danbeysay ee laga dhigo Golaha Murtida iyo Madadaalada magaceeduna aheyd MA MUDNEYD. Abwaan Hurdaaye ayaa sidoo kale alifey heeso aad loo Jeclaa sida heesta erayadeedu ay ka mid ahaayeen..CAATOOBEY CEESH WAA KA GO’AY oo uu ku ...

Read More »

AL-SHABAAB MIYAA KUJIRA GOLAHA SHACABKA SOOMAALIYA!!!.

Kalfadhigii shanaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ahaa mid aad u xiiso badnaa, lana doonayay in looga hadlo arrimaha amaanka dalka oo faraha ka siibaxaya, gadoodka mushaar la’aanta Ciidamada xooga oo qaar ka mid ah furimaha hore ee dagaalka uga soo baxay cabasho mushaar la’aan, ayaa maanta oo Sabti ahayd mar kale ku dhammaaday fowdo, dagaal iyo wax aan hore ...

Read More »

MUQDISHO MAGAALADDII MOWDKA…!!!!.

Shacabka ku nool magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxay la kufayaan isla markaana la daalaadhacayaan dhibaatooyin fara badan oo kaga imaanaya dhinacyada, Al-shabaab, Daacish, Ciidamada Dowladda iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo sida tusbax go’ay oo kale si maalinle ah uga dhacaan Qaraxyo sababa dhimasho, Dhaawac, bur-bur hantiyadeed iyo dilal qorsheysan oo lala bartilmaameedsado qeybaha kala duwan ee bulshada. ...

Read More »

WARBIXIN: Maamulka rugta Ganacsiga iyo warshahadaha oo dhaliil culus loo jeediyey.

Qaar ka mid ah Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa dhaliil xoogan u jeediyey Maamulka Rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya. Ganacsatadan oo qaarkood aan la xirriiray ayaa ii xaqiijiyay in khilaaf iyo hogaan xumo ka dhex jirto isla markaana arintaas cabasho uga gudbin doonaan dowlada federaalka gaar ahaan wasaarada ganacsiga. “Khilaafka waxa uu salka ku hayaa kadib markii aan aragnay waxqabad la’aanta ...

Read More »

FARMAAJO “Inta Geelle uu madaxweynaha yahay inaga 4-M.W iyo 12-RW ayaa na soo martay..”.

Isagoo niyadda ka jabinaya madaxweynihii hore Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud kuna caanbaxay halkudhigii (Qabyo ninkeedaa dhameestira) kuna sugnaa furitaanka safaaradda Jabuuti ayuu Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo oo qudbad ka jeediyay halkaasi waxa uu yiri. “4-Madaxweyne iyo 12-Ra’iisul Wasaare inta aan mareyno waxaa wali Jabuuti Madaxweyne ka ah Ismaaciil Cumar Geelle, taasina waa siyaasad xasilooni ku jirta”. Intaas markii afkiisa ...

Read More »

DHIIGBAXA SHACABKA MUQDISHO!!! (QALINKA BILE BAASTEY).

Waa argagax iyo murugo inteeda la eg marka ay dhagahaagu soo gaaraan ama aad daawatid muuqaalada ka turjumaya weerarada qaraxyada iyo kuwa beegsiga tooska ah ee lagu gumaadayo shacabka ku nool magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, taasoo ay u sii dheer tahay dilalka qof qofka ah ee sida maalin laha ah uga dhac isla magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku ...

Read More »