Home Ciyaaro Carles Puyol oo talo siiyay cayaariyaan Yerry Mina.

Carles Puyol oo talo siiyay cayaariyaan Yerry Mina.

Carles Puyol ayaa wuxuu ugu horeyn yiri: “Yerry Mina waa inuu sabraa, sababtoo ah hore ma uusan uga soo  ciyaarin qaarada yurub, sida Samuel Umtiti oo si fiican ula qabsaday kooxda, wuxuu u cadeeyay inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka, sababtoo ah wuxuu u shaqeynayaa si wanaagsan”.

Dhinaca kale Puyol ayaa wuxuu difaacay saaxiibkiis hore ee kooxda Barcelona Gerard Piqué wuxuuna yiri: “Waxaan rajeynayaa in Pique uusan marnaba ka fariisan doonin kubada cagta, inkastoo ay xaqiiqo tahay inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin, wax walba ee ka baxsan kubada cagta”

Puyol ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Dadku waxay had iyo jeer ka hadlaan waxa uu sheego Pique, laakiin kama hadlaan aflagaada loogeesanayo isaga qoyskiisa iyo caruurtiisa, taasi maahan cadaalad”.

Kabtankii hore Barcelona iyo xulka qaranka dalka spain ayaa Barcelona kula guuleetay koobab badan, wuxuuna muddo sanada ah ka mid ah ciyaartooyada ugu fiican ee aduunyada.

 

Wariye; maxamed maxamuud cilmi

Maxamed juube

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here