Caleema saarkii madaxweynaha Jubaland oo dib u dhac ku yimid.

Wararka naga gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in dib u dhac ku yimid Caleema saarka Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

26-ka Bishaan ayaa lagu waday in Caleema saarka uu ka dhaco Magaalada Kismaayo waxaana wararku ay sheegayaan in Guddiga qaban qaabada ay ku dhawaaqeen in dib loo dhigay Xafladda oo laga dhigay horaanta Bisha soo socota.

Guddigga ayaan wali arintaasi si rasmi ah ugu dhawaaqin,waxaana la sheegay in maanta ay shir isugu yimaadeen Guddiga qaban qaabadda Xafladda.

Mid ka mid ah Xubnaha Guddiga oo ka gaabsaday in Magaciisa warbaahinta loo adeegsado ayaa Risaala u xaqiijiyay dib u dhaca.

Sababaha ugu weyn ee dib dhaca ayaa lagu sheegay in ay tahay xayiraada Saddex maalin ah ee dowladda Soomaaliya ay saartay Kismaayo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*