Cadaado oo marti galinaysa xildhibaano iyo senataro si wax looga qabto.

0
29

Maalinimada barito ah waxaa magaalada cadaado ku sii jeeda xildhibaano iyo sanataro ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo ujeedkooda socdaalka lagu sheegay sidii ay wax uga qaban lahaayeen qilaafka faraha ka sii baxaya ee u dhaxeeya madaxda maamulka Galmudug.

Sida wararku ay inagu soo gaareen xildhibaanada iyo senatarada ayaa ujeedkooda ugu weyn waxa uu yahay sidii ay kaga hortagi lahaayeen faragelinta qaawan ee ay dowladda Soomaaliya ku heyso maamulka Galmudug oo iminkaba ay laba u kala qeybisay kadib booqashadii wasiirka Arrimaha Gudaha iyo xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo maalin ka hor gaaray magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale Xildhibaano ayaa dhankooda ku sugan magaalada Gaalkacyo kuwaasoo iyaguna qeyb ka ah sidii xal looga gaari lahaa muranka iyo kala taga maamulka Galmudug gaar ahaan xiisada cusub ee dhanka xubnaha Ahlusunna waljameeca ee matala maamulka Galmudug.

Lama oga xaalka cakiran ee maamulka Galmudug halka uu ku danbeyn doono, dad badan ayaa is weydiinaya inay dowladda Dhexe ugu guuleysan doonto si la mid ah maamulka koonfur galbeed oo ay dagaal dhaqaale fara badan loo adeegsaday kursiga looga tuuray Shariif Sakiin taas badalkeeda Madaxweyne laftagareen oo gacan ku rimisay kursiga lagu fadhiisiyey.

 

LEAVE A REPLY