Cabsi laga muujiyey xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Dalada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee SONSA oo horan loo oran jiray SOSCENS ayaa waxaa ay walaac ka muujiyeen habka loo maareynayo xaaladaha siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii ka dhacday Magalada Kisamayo

Qoraal kasoo baxay Dallada  Bulshada Rayidka ayaa lagu sheegay in khilaafka dowladda Federalka & Dowlad goboleedyada uu markasta sababo dib u dhacyo ku yimaada howlo muhiim ah oo ka mid ahaa horumarka dowladnimo.

Waxaa kaloo ay sheegeen inay horay uga digeen faragelin in lagu sameeyo doorashooyinka Dowlad goboleedyada taas oo ka dhalatay caqabada Siyaasadeed ee taagan, waxaana ay ku baaqeen in xal deg deg ah lag gaaro khilaafka ka jira Jubbaland.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*