Buffon; Waan tixgilinaa codsiga macalinka qaranka Taliyaaniga

Goolhaayaha xulka qaranka dalka Taliyaaniga iyo kooxda kubbada cagta marwada duqda ee Juventuus Gianluigi Buffon ayaa xaqiijiyay inuu diyaar u yahay kullamada saaxibtinmo Taliyaaniga uu la cayaaraayo wadamada Arjentina iyo England bisha ee bisha march.

Macalinka qaranka Taliyaaniga ayaa xiddigaan ugu yeeray u safashada qaranka Taliyaaniga kulamada saaxibtimo ee bisha march uu la cayaaraayo wadamada Arjentine iyo England.

Buffon ayaa shalay oo isniin ah  wareysi uu bixiyay waxuu ku xaqiijiyay inuu diyaar u yahay inuu tixgiliyo codsiga kaga yimid macalinka qaranka Taliyaaniga.

“waxaan dareemaayaa iney tahay waajib qaran, waxaa u arkaa iney tahay masuuliyad iga saaran wadankeyga Taliyaaniga.

“ Qoyskeyga ayaa doonaayay inaa la dalxiiso lkn waxaan aaminsanahay iney waajib qarantahay  wax welibnaa ay ka weyntahay. Sidaa ayuu yiri.

3 bil ka hor ayee aheyd markii uu ku dhawaaqay inuu isaga baxay dhamaan ciyaaraha caalimiga ka dib markii uu Taliyaaniga ku fashilmay u soo bixida ciyaaraha aduunka ee Ruusha lagu qaban doono.

Buffon ayaa Taliyaaniga u saftay 175 kulan, wuxuuna Buffon ka mid cayaartooydii kula guuleysatay Taliyaaniga koobkii aduunka 2006 lagu qabtay dalka Germany,

maxamed maxamuud cilmi

maxamed juube

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*