Boqolaal ka mid ah amniyaadka Al-shabaab oo gudaha u galay Muqdisho iyo cabsi jirta.

0
23

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay ilo madax bannaan kuna sugan magaalada Muqdisho ayaa inoo sheegay inay saacadihii la soo dhaafay magaalada soo gaareen boqolaal ka tirsan Al-shabaab gaar ahaan qolyaha Amniyaadka ee dadka bastooladaha ku dila.

Qof ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda kana gaabsaday in magaciisa lala wadaago shabakadda somalibile.com ayaa sheegay in ku dhawaad 130 ka mid ah amniyaadka Al-shabaab ay soo galeen magaalada Muqdisho.

Xaaladan ayaa cabsi xoogan ku abuurtay qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan, dhinaycada la shaqeeya dowladda, ganacsatada iyo qaar kale.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa soo  badanayay eedeenta dowladda ee ah in Al-shabaab ku dhexmilmeen dhinacyada dowladda haddii ay ahaan lahayd Amniga, maamulka gobolka Banaadir, xafiisyada xukuumadda, madaxtooyada iyo tan golaha shacabka.

Si kastaba ha ahaatee Amniyaadka Al-shabaab ayaa ah kuwo qaabilsan inay ugaarsanaan isla markaana fuliyaan dilalka qorsheysan ee lagu geysto bastooladaha.

LEAVE A REPLY