Author Archives: Bile Mohamed

DAAWO: TAHNIYAD AROOS FARXAD LEH ISMAIL FIDOW FARAH IYO RAMLA AHMED ABDULLE.

Waxaa halkaan hambalyo aroos farxad leh oo aan qoraal kooban lagu soo koobi karin si wada jira u diraya Aabe Fidow Farah Hersi, Aabe Ahmed Abdulle Kaahiye, Hooyo Bahsan Cismaan Shuuke, Hooyo Cadar Hersi Fiidow, waxayna hambalyadan u dirayaan Boqorka Ismail Fidow Farah iyo Boqorada Ramla Ahmed Abdulle oo Arooskoodu ka dhacay magaalada Bergen ee dalka Norway habeenimadii xalay oo ay taariikhdu ...

Read More »

Odayaal ka hortagay weerar lagu qaaday Masaajidka Al-Noor oo abaalmarin la guddoonsiiyey.

Mohammed Rafiq oo 65-jir ah ayaa sameeyey ka hortag bad-baadin nafaf yaal fara badan kadib markii uu qabtay wiil Norwegian 20-jir ah, kaasoo lagu magacaabo Philip Manshaus markii uu soo galay maasjidka Al-Noor Islamic Center Sabtidii la soo dhaafay si uu xasuuq uga geysto halkaasi. Odayga 65-jir jirka waxaa caawiyay Maxamed Iqbal oo  75-jir ah kaasoo ay ku wada sugnaayeen ...

Read More »

Puntland oo hambalyo iyo bogaadin u dirtay Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Jubaland.

Maamulka Puntland ayaa hambalyo u diray Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Labaad ee Jubbaland ee maanta lagu doortay Magaalada Kismaayo. War Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtoyadda Puntland ayaa hambalyo loogu diray Guddoonka cusub ee Jubbaland waxaana ay sheegeen in ay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan. HALKAN HOOSE KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA:-  

Read More »

Guusha Axmed Madoobe iyo Fashilka Nabad iyo Nolol (Maxaa Xigi doona).

Maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland ayaa hadda u muuqanaya mid kasii fakana Nabad iyo Nolol oo lala yaaban yahay markaan waxa helay qorsheyaasheedii lama gafaanka ah. Axmed Madoobe ayaa ku guuleystay arrimo badan, iyadoo maantana ayba doorasho ka dhacday lagu doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen ee hogaamin doona 4-sano ee soo socota waana baarlamankii labaad ee maamulka Jubaland ...

Read More »

Kismaayo oo lagu doortay guddoonka Baarlamaanka Jubaland.

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose lagu doortay guddoomiyaha cusub Baarlamaanka maamulka Jubaland, kadib doorasho ka dhacday magaaladaasi. Cabdi Maxamed C/raxmaan iyo Xuseen Shiinoow ayaa ku tartamay qabashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubaland waxaase mar kale ku guuleystay guddoomiyihii hore Cabdi Maxamed C/raxmaan. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa isku soo sharaxay hal qof oo ah Xildhibaan ...

Read More »

DAAWO SAWIRADDA: Dibadbax looga soo horjeedo weerarkii masaajidka Bærum oo ka dhacay magaalada Oslo.

Bannaanbax ballaaran ayaa maalintii Arbacada ee shalay waxaa lagu qabtay afaafka hore xarunta Baarlamaanka oo ku yaala magaalada Oslo ee dalka Norway, halkaasi oo ay isugu imaadeen boqolaal dadweyne ah una badanaa dadka cadaanka ah ee aan Muslimka ahayn isla markaana ay hogaaminayeen qaar ka mid ah xisbiyadda wadanka iyo hay’adaha u dhaqdhaqaaqa arrimaha bani’aadanimadda. Dadka bannaabaxan soo qaban qaabiyay ...

Read More »

Xildhibaanadda labada aqal oo la kulmay guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubaland.

Xildhibaanada labada aqal ee Barlamaanka federaalka ah ee ku sugan Kismaayo waxey maantay xafiiskooda Kulan kula qaateen guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo doorashooyinka Jubaland, ayagoo warbixin waafi ka bixiyey geedisocodka hanaanka doorashada hey’adaha dastuuriga ee lagu wado in ay ka dhacdo Jubaland. Guddoomiyaha guddiga Md. Xamze Cabdi Aar ayaa ka warbixiyey, shaqooyinkii u qabsoomey tan iyo markii la dhisay ...

Read More »

Guddoomiye hore oo iska diiday in mar kale loo magacaabo gobolka Banaadir.

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa waxay sheegayaan in madaxweyn Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre usoo bandhigeen Xasan Xuseen Muungaab in markale uu noqdo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho. Ilo ku dhow Muungaab ayaa la sheegay inuu iska diiday arrintaasi, iyadoo aan la ogeyn weli sababta uu isaga diiday qabashada xilkan. Muungaab ayaa horey usoo noqday duqa ...

Read More »

Madaxweynaha Jubaland oo qaabilay wafdi kasocday beesha Caalamka iyo natiijadda kullanka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocday Beesha Caalamka oo uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxaa kale oo wafdiga kamid ahaa xubno kasocday IGAD, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale. Dhinaca Jubbaland waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay kulankan Madaxweyne ku xigeenada iyo Wasiirada Arimaha ...

Read More »

Warsaxaafadeed lagu taageeray xildhibaanada cusub ee Jubaland oo ka soo baxay xisbiga wadajir.

  Xisbiga wadajir oo ka mid ah xisbiyada mucaaradka ayaa maanta soo saaray warsaxaafaeed kaasoo lagu taageeray xildhibaanada cusub ee maamulka Jubaland isla markaana la dhaariyey. HALKA HOOSE KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA OO DHAMEESTIRAN.

Read More »